4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 24, 2019
RW Khayre: Caqabada ugu weyn ee dalkeenna heysata waxaa ka mid ah bedelaadda fikirka adduunyadu ay ka qabto


Sabti, Augusto, 24, 2019 (HOL)-  Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo soo xiray bandhigga buugaagta Muqdisho, ayaa dhallinyarada qorayaasha ah ee Soomaaliyeed ku dhiirri geliyay in ay qalinkooda ku bedelaan sawirka qaldan ee Soomaaliya horay looga bixiyay, si loo helo sawirka saxda ah ee dalka, loona dhiso mustaqbal ifaya oo dunida soo jiita.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo sheegay ay muhiim tahay in dhallinyaradu ay afka Soomaaliga wax ku qoraan, maadaama aqriska iyo qoraalku ay horseedaan ilbaxnimo iyo in laga fogaado xasarado iyo colaado, ayaa caddeeyay in sida kaliya ee dhibka looga bixi karo ay tahay in qorayaashu ay si daacadnimo iyo damqasho leh ay dalkooda wax uga qoraan.

Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee ee dalka xilligaan heysata ay tahay bedelaadda fikirka adduunyadu ay dalka Soomaaliya ka qabto, hase yeeshee uu aaminsanyahay in ay muuqato yadadiilo wayn maadaama ay dhallinyaradii ay xoogga saarayaan aqriska iyo qoraalka si ay dunida ugu sheegaan waxa ay tahay Soomaaliya, waxa ay ahaan jirtay iyo waxa ay noqon karto .

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]