4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 20, 2019
Shir lagu ansixiyay siyaasadda Dhuxusha Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay


Talaado, Augusto, 20, 2019 (HOL)-Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa  shir guddoomiyey shir lagu ansixinayey siyaasada dhuxusha Qaranka Soomaaliya.

Kulankan oo u jeedkiisu ahaa ansixinta Siyaasada dhuxusha Soomaaliya ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya oo kaashaneysa hay’adda UNEP, waxaana diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa joojinta jaridda dhuxusha iyo dhoofinteedaba oo laga dhaxlo nabaad-guur sababa abaaro iyo musiibooyin dabiici ah, waxaana ka qeyb galay Wasiirrada Bi'adda ee dowlad-gobolleedyada , xubno ka socday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ugu horreyay Agaasimaha Guud Bi'adda, Aqoon-yahanno , Iskaashatada dhuxusha, Haweenka ka ganacsado dhuxusha iyo marti sharaf kale.

Qaar kamida khubarada shirka ka qeybgalay ayaa soo bandhigay xoggo iyo tusaalooyin ku saabsan dhibaatada nabaad guurka iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta haddaan laga hortagin xaalufinta dhirta.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo shirka furay ayaa sharraxay u jeeddada laga leeyahay ansixinta siyaasada dhuxusha Qaranka Soomaaliya oo laga shaqeenayey muddo hal sanno ah, wuxuuna tilmaamay in sharcigan uu horseedi doono yareynta dhibaatada deegaaneed ee ka dhasha jaridda dhirta sida Xaalufinta ,Nabaad guurka isbadallada cimiladda iyo daadadka.

"Siyaasaddan oo ay soo diyaarisay wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Soomaaliya, ujeeddada ugu weyn ee laga leeyahay waxay tahay waxay ay dalka ka anfacaysaa in la joojiyo dhoofka dhuxusha dibadda la geeyo, waxaa kalo ay ka caawinaysa dalka in la nidaamiyo soo saarka dhuxusha laga isticmaalo dalka gudihiisa, ama dhirka laga soo jaro dalka gudihiisa, waxaa kalo ay caawinaysa ilo kale oo tamareed si looga maarmo dhuxusha laga isticmaalo dalka gudihiisa." ayuu yiri wasiir Xuuseen Maxamuud.

Wuxuu inta ku daray  in dowladda Soomaaliya ay ku dadaashay sidii looga hortagi lahaa xaalufinta dhirta oo uu sheegay in ay dhibaatooyin badan xambaarsanyihiin, sida ugu dhaqsiyaha badanna loo gudbin doona sharcigaan siyaasada dhuxusha golaha Wasiiradda Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudantahay in hey’adda Qaramada Midoobay horey usoo saartay qaraar ay ku mamnuucday ka ganacsiga iyo dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]