4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 20, 2019
Guddiga Amniga Jubbaland oo shaaciyay in la xiray xuduuddaha Kismaayo

Talaado, Augusto, 20, 2019 (HOL)- Guddiga amniga dowlad-gobolleedka Jubbaland ayaa kullan ay ku yeesheen magaalada Kismaayo ka soo saaray awaamiir dhanka amniga ah ee magaalada Kismaayo, muddada lagu jiro doorashada madaxweynaha.

Kullanka guddiga qoraal laga soo saaray ayaa lagu sheegay in laga billaabo 20-ka bisha Agoosto in laga xiray Kismaayo xuduudaheeda sida Badda, Cirka iyo Dhulka, iyadoo aan magaalada la geli karin inta lagu guda jiro doorashada.

Sidoo kale,waxaa heegan buuxa la geliyay Ciidamada dowlad-gobolleedka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee ka howlgala Kismaayo, waxaa la xadidday dhaq dhaqaaq kasta oo ciidan ah, iyadoo maalinta doorashada dhaceyso la ogol yahay kaliya ciidammada Booliska dowlad-gobolleedka Jubbaland inay sugaan Amniga magaalada iyo goobta doorashada.

Hoos ka akhri awaamiirta guddiga;


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]