4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 20, 2019
Dowladda oo shaacisay Xujeyda Soomaaliyeed ee ku geeriyooday sannadkan Xajka

Talaado, Augusto, 20, 2019 (HOL)-  Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkan ku geeriyootay xajka.

Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqiifta Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo warfidiyeenka kula hadlay magaalada barakaysan ee Makka Almukarramah ayaa sheegay in afar xujey Soomaali ah ay ku geeriyoodeen Xajka sannadkan, wuxuu inta ku daray Allaha u naxaristo marxuumiinta in saddex ka mid ah ay ahaayeen dumar, halka midka kale uu ahaa rag, balse lama soo bandhigin magacyadooda.

Wasiirka, waxaa kalo uu sheegay in ay hubin doonaan sheegashooyinka ku aaddan in tiradda dhimashada ay inta ka badan tahay. Waxaana warbixinta wasaaradda lagu xaqiijiyay in Soomaaliya ay sannadkan ku lahayd xajka qoondo gaareysa 11,500 xaaji, oo acmaasha gutay.

Sheekh Nuur, waxaa kalo uu sheegay inta badan xujeyda  sannadkan inay heleen deegaan wanaagsan ,iyaga oo ku dhawaa Xaramka, marka laga reebo kuwa 200M ama 400M u jiray, wallow muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada lagu arkay Xujey ka caneysa dhanka deegaanka.

Sannadkan waxa ku cusbaa xujeyda Soomaalida ayaa ah inay dalka ka qaateen dal ku galka, halka sannadihii ka horreeyay ay waddamada deriska ka qaadan jireen.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]