4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 20, 2019
Shir lagu wadaagayo xogaha Kheryaadka badda oo Muqdisho ka furmay

Talaado, Augusto, 20, 2019 (HOL)-  Kullankii u horreeyay ee lagu wadaagayo xogta Kalluumeysiga dalka iyo Kheyraadka badda dalka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana shirka soo qaban qaabiyay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adda FAO qaybteeda Kalluumeysiga.

Shirkan xog uruurinta ee u dhaxeeya wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda iyo wasaaradaha Kalluumaysiga ee dowlad-gobolleedyada dalka , waxaa iyana ka soo qaybgalayaasha shirkaddo ay ka mid ahaayeen  GEEL, GIZ , FAIR FISHING , SECURE FISHERIES , Iskaashatooyinka gobolka Banaadir iyo Jaamacadda City kuwaa oo iyagana la wadaagay xogta ay ka hayaan Kheyraadka badda .

Kulankan oo uu furay agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda mudane Maxamuud Sheekh Cabdullahi ayaa socon doono muddo labo maalin , waxaan inta uu socdo la isla meel dhigi doonaa xogta saxda ah ee Kheryaadka badda dalka oo muddo xog uruurin lagu samaynayay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]