4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 20, 2019
Muqdisho: Wasiirrada Warfaafinta heer Federaal iyo kuwa Dowlad-gobolleedyda oo kullan la yeeshay hay’adaha Daneeya Warbaahinta


Talaado, Augusto, 20, 2019 (HOL)-  Shirka wada-tashiga wasiirrada Warfaafinta heer federaal iyo heer dowlad-gobolleed oo maalintii saddexaad ka socda magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ay la kulmeen xubnaha ka qaybgalaya hay'addaha daneeya warbaahinta iyo wacyi-gelinta bulshada.

Waxana shirka inta badan looga hadley wacyi-gelinta bulshada in si wadajir ah looga qeyb qaato ,waxaana hay’adaha kala duwan ee daneeneya warbaahinta ay sheegeen in doorkooda ay ka qaadan doonnaan horumaka warbaahinta Soomaaliya iyo wacyi-gelinta bulshada.

Wasiirka wasaradda Warfaafinta Wacyigelinyta Bulshada dowlad-gobolleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya ,Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa ka warbixiyay wax-yaabaha ay kala hadleen hay’addaha daneeya horumarka warbahinta dalka ,iyagoona ballan qaadey in ay kaalin  ka qaadan doonaan horumarinta warbaahinta dowladda kuwa gaar iyo wacyi-gelinta dadweynaha.

Maxamed Abdi Xayir Maareye ,Wasiirka Wasaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa uu sheegey in maanta la isku afgartey in hay’ad waliba oo wacyi-gelin ka sameyneysa Soomaaliya ,ay iska soo diiwan geliso Wasaaradaha Warfaafinta heer federaal iyo kuwa dowlad-gobolleedyada dalka kajira.

Shirkan ayaa la fileyaa in maalinta berrito ah laga soo saaro war-murtiyeed la xiriira waxyaabihii la isku afgartey muddadii shirka uu socodey.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]