4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 20, 2019
Isticmaalka Adeega EVC Plus -ka oo maanta saacado kooban hakad uu ku yimid

 

Talaado, Augusto, 20, 2019 (HOL)-Adeega EVC Plus-ka ee lacagaha leysugu gudbiyo oo ah adeeg siweyn looga isticmaalo guud ahaanba gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa saacado kooban maanta hawada ka baxay, lamana sheegin sababta rasmiga ah.

Hasse ahaatee, waxaa muuqata in arintan ay  hoos u dhigtay aaminaadii bulshada ee adeegan EVC Plus-ka, gaar ahaan magaalada Beledweyne oo ku dhawaad Afar sano aan laga isticmaalin lacagta Shilin Soomaaliga.

Waxaa istaagay oo hakad galay dhaqdhaqaaqi ganacsiga magaalada, sidoo kalana meelaha qaarna waxaa  albaabada loo laabay goobihii ganacsiga oo laakiin dib loo furay markii adeega EVC Plus-ku hawada ku soo laabtay.

Bulshada ku dhaqan magaalada ayeey arintan dib u soo xasuusay muhiimada isticmaalka lacagta Shilin Soomaaliga oo ah lacag mar walba uu qofku heli karo marka loo eego isticaalka Aaladan Mobile Transfer ee lacagaha leysugu gudbiyo.

Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa Hiiraan Online u sheegay in sababta ugu weyn ee loo socodsiin la'yahay isticmaalka lacagta Shilin Soomaaliga uu yahay isticmaalka  adeegan EVC Plus- oo  qofka awood u siinaya in uu ka helo cadadka lacagta uu u baahdo  ''

Laakiin hadda waxaa muuqata in dadku ay ku dhiiranayaan in ay qaataan lacagta Shilin Soomaaliga madaama aan mar walba leysku halin karin adeegan EVC-ga oo  saacado kooban oo maanta uu hawada ka baxay ka abuuray magaalada jahwareer ganacsi dadka qaarna ay suuqa isaga laabteen iyaga oo faro -maran.

''Adiga oo lacag heysta ayaad haddana waxba iibsan karin,  lacagta kaliye ee leysku heleyn karo waa Shilinka Soomaaliga, oo aan u baahneyn in aad Mobile ku qaadato, waa in hadda kaddib laga fikiraan sidii loo socodsiin lahaa '' ayuu yiri qof ka tirsan bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne oo dareemay saameynta uu leeyahay isticmaalka adeegan EVC-ga.

Fariin qoraaleed markii danbe ay shirkadda Hormuud u dirtay macaamiisheeda ayeey ka raali-galisay saacadihii uu adeegan hawada ka maqnaa laakiin ma aysan sheegin sababta, balse warar hoose oo ay heshay Hiiraan Online ayaa sheegaya in loo dhacay ama la jabsaday Seystam-ka Shirkadda oo sida wararku sheegayaan lagala baxay lacag aan la ogeyn cadadkeed balse inteedii badneyd dib loo soo celiyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]