4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 20, 2019
Kenya oo walaac ka muujisay mowqifka wakiilka QM ee Doorashada Jubbaland

Talaado, Augusto, 20, 2019 (HOL)- Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaadday  inay ka walaacsan tahay warqad uu 17-kii bishan soo saaray ergeyga xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ,James Swan oo la xiriirtay doorashada madaxweynaha Jubaland.

Warqad kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa lagu sheegay in dowladda Kenya ay walaacisay in James Swan uu dalabyo cusub la yimid islamarkaana shuruudo uga dhigay qabsoomidda doorashada madaxweynaha, inkasta oo guddiga doorashada uu fuliyey dalabyadii hore ee beesha caalamka.

Warqadda ayaa lagu sheegay in guddiga doorashada Jubaland xilli uu wajahayey caqabdo adag, uu xaqiijiyey in doorashadu noqoto mid dhex-dhexaad ah oo la isku haleyn karo.

Wakiilka Qaramada Midoobay, ayaa warqad uu toddobaadkii hore u diray  guddiga doorshada Jubaland ku sheegay in natiijada doorashada madaxweynaha Jubaland aysan heli doonin taageero buuxda, haddii aan hanaanka doorasho lagu sameyn is-beddelo ay dalbatay beesha caalamka.

Kenya waxay ka digtay in dib u dhac xilli dambe ah oo doorashada Jubaland lagu sameeyo ay dhaawac gaarsiin karto xasiloonnida Soomaaliya, iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Sidoo kale, xukuumadda Nairobu  ayaa beesha caalamka uga baaqday inay dowladda federaalka Soomaaliya kala shaqeeyaan taageeridda gudduga doorashada Jubaland, si hanaanka doorashada Jubaland loogu soo geba gebeeyo waqtigii loo gooyey.

Baaqa Kenya ayaa ku soo aadday xilli maanta dhowr musharrax oo uu ka mid yahay madaxweynaha xilka haya ee Jubbaland ay ka hor jeediyeen Baarlamaanka cusub ee Jubbaland khudbada musharraxnimo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]