4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 20, 2019
Musharixiin sheegay in ay ka tanaasuleen u tartamida xilka madaxweynaha maamulka Jubbaland

 

Talaado, Augusto, 20, 2109 (HOL)-Goor dhaw waxaa magaalada Kismaayo uga dhawaaqay in ay ka tanaasuleen u tartamida xilka madaxweynaha maamulka Jubbaland labo musharax oo ka mid ahaa musharixiintii isku diiwaa-galisay in ka qeybgalaan doorashada.

Labada musharax ee ka tanaasulay ka qeybgalka doorashada oo kala ah Cabdi Xiis iyo Axmed Cabdi ayaa qorshuhu ahaa maanta ay in ay  mid noqdaan musharixiinta jeedinaya khubadahooda waxqabadka haddii ay ku guuleystaan doorashada.

Isaga oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Kismaayoo Cabdi Xiis waxaa uu sheegay  in uu yahay aqoon yahan u qalmo xilkaas, bals uu ka  tanaasulay,kadib markii uu xeeriyay xaaladaha ka jira jubbaland iyo  dalab uga yimid beesha uu ka dhashay uu tanaasulay.

Djinaca kale Axmed Cabdi oo kamid ahaa musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jubbaland ayaa tanaasulay islamarkaana go’aansaday in uu ka haro tartankii uu ugu jiray Madaxtinimada Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Waxaa uu sheegay in uu u tanaasulay sababo isaga u gaar ah iyo danta Shacabka ku nool deeegaannada Maamulka Jubbaland.

Maalinta Khamiista ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland, iyadoo musharixiinta uu ka mid yahay madaxweynaha xiligan haya tallada maamulka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]