4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 20, 2019
Marekanka oo duqeyn ka fuliyay gobolka Shabeellaha hoose

Talaado, Augusto, 20, 2019 (HOL)- Taliska ciidanka Marekanka ee Afrika ayaa sheegay inay duqeyn ka geysteen deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya dowladda Federaalka Soomaaliya ay duqeyn dhanka cirka ah ku qaadeen xubin ka tirsan al-Shabaab.

Duqeynta inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay hal ruux oo aan la magacaabin, iyada oo warsaxaafadeed uu baahiyay taliska lagu sheegay  in qiimeyn la sameeyay aanay jirin dad rayid ah oo duqeynta lagu dilay ama waxyeelo kale soo gaartay.

Duqeyntan ayaa qeyb ka ah duqeymo si is-daba joog ah oo Mareykanka ku muddooyinkii u dambeeyay ku bartilmaameedsanayay Al-Shabaab.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]