4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 20, 2019
Wararkii ugu danbeeyay xaalada magaalada Kismaayo

 

Talaado, Augusto, 20, 2019 (HOL)- Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa Isniintii shalay leyska hortaagay in ay ka degto diyaarad militari oo laga leeyahay dalka Itoobiya, arrintaa oo la sheegay in ay salka ku heyso khilaafka ka dhashay doorashada Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya ayaa Sabtidii toddobaadkan sheegtay in aysan aqoonsan doonin natiijo kasta oo ka soo baxda doorashada Jubbaland oo ah mid sharciga baaalmarsan, laakiin guddiga doorashada ayaa ku gacan seyray go’aanka dowladda ee ka dhanka ah doorashada, iyaga oo sheegay in aan waxba laga badali doonin jadwalka iyo hannaanka hadda loo wado in doorahada madaxweynuhu ku dhacdo.

Is hortaaga lagu sameeyay diyaarada militari ee Itoobiya ayaa xiisad ka dhax abuurtay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ee maamul Garoonka diyaaradaha Kismaaayo, balse ma jirin wax iska horimaaad ah oo labada dhinac dhaxmaray.

Qof ka tirsan shaqaalaha Garoonka diyaaradaha Kismaayo oo magaciisa ku soo kooban Ismaaciil ayaa sheegay in diyaaradan oo markii hore ka soo duushay Gobolka Gedo ugu danbeyntii ku degtay Garoonka diyaaradaha Baydhabo, isaga oo intaa ku daray in uusan kala cadeyn karin nooca diyaarada in ay aheyd diyaarad rayid iyo mid militari.

‘’Waxey dooneysay in ay ku soo degto Garoonka Kismaayo, waa loo diiday, sababto ah horey uma aysan soo dirin wax macluumaad ah oo ku saabsan socdaalkeeda’’ayuu yiri Ismaaciil.

Toddobaad ka hor magaalada Kismaayo waxaa shir ku yeeshay taliska ugu sareeya howlgalka midowga Africa AMISOM iyo madaxweyne Axmed Madoobe, kuwaa oo isku afgartay qoddobo ku saabsan hannaanka sugid Amniga doorashada, laakiin dowladda federaalka iyo beesha caalamka ayaa u arka sida loo maamulayo doorashada mid aan u wanaagsaneyn Amnig Kismaayo iyo guud ahaanba Jubbaland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]