4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 20, 2019
Reer Khartuum Lama Dhicin Maxkamadeynta Cumar Xassan Al-Bashiir

 

Talaado, Augusto, 20, 2019 (HOL)- Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar Xassan Al-bashiir ayaa Isniintii shalay ka soo muuqday Maxkamad si uu u wajaho eedo dhinaca musuqa ah, afar bilood ka dib markii miltariga dalkaasi ay xukunka xoog uga rideen.

Bashir, oo dalkaasi oo xukumayay muddo 30 sanadood ah ayaa ku eedeysay in uu si sharci darra ah u heystay lacag qalaad iyo inuu hadiyado ku helay si sharci darro ah.

Sida uu sheegay dambi baare maxkamadda ka hor hadlay, Al-Bashiir ayaa u sheegay baarayaasha in malaayiin dollar oo kaash ah uu ka helay dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Qaar badan oo ka mid ah dadka ku nool magaalada Khartoum ayaan la dhicin maxkamadeynta Al-Bashiir iyagoo ku tilmaamay mid aan ku fileyn oo soo daahday.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka ee(ICC) ayaa ku eedeysay al-Bashiir dambiyo dagaal, kuwo ka dhan ah bani aadnimada iyo xasuuq uu ka geystay gobolka Darfuur.

Bishii may, ayaa sidoo kale Bashir lagu eedeeyay inuu rabshado kiciyay kuwaa oo lagu dilay dad mudaaharaadayay oo ka soo horjeestay xukunkiisa.

Al-Bashiir oo 75 sana jir ah oo ku labisnaa qamiis cad, ayaa daawanayay maxkamadeyntiisa, isagoo ku jiray meel lagu xeyndaabay maxkamadda dhexdeeda.

Mid ka mid ah qarreenada difaacaya, Ahmed Ibrahim al-Tahir, ayaa u sheegay VOAda in uu ku kalsoonyahay in madaxweynihii hore uu ka adkaan doono eedahan la xiriira musuqmaasuqa.

Xigasho VOA