4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 20, 2019
Dagaal dulleedka degmada Jowhar ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo Al-shabaab

 

Talaado, Augusto, 20, 2019 (HOL)- Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay dagaal wabarigii hore ee saakay ku dhaxmaray dulleedka degmada Jowhar ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Ururka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii waabarigii hore ee saakay dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-shabaab weerar ku qaadeen saldhiga ciidamada militariga dowladda Soomaaliya ku lahayeen deegaanka Keli Waraaboow oo qiyaastii 4KM dhanka galbeed uga beegan degmada Jowhar,

Goobjoogayaal deegaan ku sugan ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, balse ma aysan sheegin haddii ay og yihiin wax khasaare ah oo soo kala gaaray labada dhinac.

Laakiin Al-shabaab ayaa bogga Internetka warar ay ku qoreen waxaa ay ku sheegeen in ay mudo kooban la wareegeen fariisinka ciidamada dowladda, islamarkaana ay ka qaateen saanad millateri,.

Weerarkan ayaaa ku soo beegamaya xilli deegaano iyo degmooyin badan oo ka tirsan Gobollada Labada Shabeelle ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]