4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 18, 2019
Maxkamada Sare ee ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku riday Saddex nin


Axad, Augusto, 18, 2019 (HOL)-Maxkamada sare ee ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday maanta Saddex askari oo ka kala tirsanaa ciidamada xoogga dalka, kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Nabad-sugida Baydhabo.

Labo ka mid ah raggan oo magacyadooda lagu kala sheegay C/waaxid Cali  Shiikh Aadan oo ka tirsanaa ciidamada xoogga iyo  Xusseen Cali Macalin  Iimaan oo ka tirsanaa Daraawiishta Koonfur Galbeed  ayaa dhowaan ku  dilay duleedka magaalada Baydhabo Muxudiin Maxamed C/raxmaan.

Ninka sadexaad oo isna la yiraahdo C/raxmaan Cali Xusseen oo ka  tirsanaa Nabad Sugida Baydhabo ayaa isna dil lagu xukumay, Kadib markii  ay Maxkamaddu ku heshay inuu dilay Marxuum lagu Magacaabi jiray Maxamed  Cali Maxamed.

C/waaxid Cali Shiikh Aadan iyo Xusseen Cali Macalin Iimaan ayaa  Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida qeybta 60aad waxay  28-kii Bishii July ee sanadkii 2018 ku riday xukun dil ah, waxay racfaan  ka qaateen xukunkaas, balse Maanta ayey Maxkamada sare ku raacday  xukunkii hore ee  Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee ahaa in lagu  fuliyo dil toogasho ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]