4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 18, 2019
Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo ka jawaabay qoraalka wakiilka QM ayaa sheegay doorashada waqtigeeda inay ku dhacayso

Axad, Augusto, 18, 2019 (HOL)- Guddiga xuduuddaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa warqad u diray wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,James Swan , iyada oo warqadda lagu caddeeyay in doorashada Madaxweynaha Jubbaland la qaban doono waqtigii la qorsheeyay oo aan dib loo dhigi doonin.

Qoraalka oo uu ku saxiixnaa guddoomiyaha guddiga, Xamza Cabdi  ayaa jawaab u ahaa qoraal uu xalay u diray wakiilka Qaramad Midoobay oo sheegay inaysan aqoonsan doonin natiijada ka soo baxda doorashooyinka Jubbaland inta laga xallinayo tabashooyinka.

Guddiga ayaa sheegay in la marayo marxaladii kama dambeysta aheyd ee howsha hannaanka doorashada Jubbaland,waxaana qoraalka uu inta ku daray in la sameeyay illaa 7 tallaabo oo lagama maarmaan u ah dib u habeynta hannaanka doorashada, si ay u noqoto mid loo dhan yahay, kuwaas oo ay ka mid tahay in dib loo furay is diiwaan gelinta Musharraxiinta oo saddex maalmood lagu daray, taasoo ka billaabanaysa 17 illaa 19 bishan Agosto.

Waxaa kalo guddiga uu qoraalka ku caddeeyay inay isku raaceen in aan tallaabooyin dheeraad oo kale lagu sameyn howsha, iyadoo la qaaday wixii tallaabo lagama maarmaan ahaa, sidoo kale Guddiga ayaa tilmaanay in la fuliyay dhammaan wixii shuruudo ee ku saabsanaa habraacyada sharciga doorashada iyo dastuurka.

Hoos ka akhri qoraalka guddiga;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]