4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 18, 2019
Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Gedo

 

Axad, Augusto, 18, 2019 (HOL)-Ciidamada Dowladda Soomaaliya qeybta 430aad ayaa waxaa ay howlgallo ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaana saraakiisha howlgalka hoggaamimeysa ay sheegeen in ciidamada ay deegaanno dhowr ah kala wareegeen Al-shabaab.

Howlgalka ayaa sigaar ah waxaa ay uga dhaceen deegaannada Cabdi Afeey iyo Baar-macallin oo dhinaca  galbeed uga beegan 45km degmada Baardheere waxaana la sheegay inay deegaannadaas horay ugu sugnaayeen  ururka Al-Shabaab.

Dhame Cali Maxamed Xassan Taliyaha Ururka 49ad ee guutada 10aad ayaa sheegay in goobaha ay howlgalka ka fuliyeen ay Al-Shabaab mudo gacanta ku hayeen,hayeeshee ay haaan ciidamada la wareegeen,isla markaana  howlgallada ay ahaayeen kuwa qorsheysan.

Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa gobolka Gedo ayuu ugu baaqay in ay ciidamada kala Sahqeeyaan dhanka Amniga,sidoo kalena ciidamada  dowladda ay diyaar u yihiin inay Shabaab ka saaran deegaannada Gobolada  Jubbooyinka iyo Gedo.

Howlgallada ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen deegaano ka  tirsan gobolka Gedo ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo  dhaafay ay ciidamada dowladda ay howlgallo kala duwan ka wadaan deegaano  ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]