4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 18, 2019
Ciidamada dowladda oo howlgallo militari ka wada qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose

 

Axad, Augusto, 18, 2019 (HOL)-Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saakay waxaa dhaq-dhaqaaqyo Ciidamada ay ka wadaan deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaanka Toora-tooroow iyo degmada Awdheegle  ee gobolkaas oo dhawaan ay ciidamada dowladda la wareegeen.

Saraakiisha ciidamada hoggaamineysa ayaa shalay waxaa ay sheegeen  in ay ku wajahan yihiin deegaanno kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana dad ku sugan deegaanka tooratoorow ay sheegeen in saakay  ciidamada ay wadaan dhaq dhaqaaq-yo ciidan.

Dhinaca kale ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa DANAB ayaa saakay waxaa ay howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan duleedka degmada Awdheegle oo todobaad ka hor Al-Shabaab ay ku soo qaadeen weerar  qaraxyo ku bilaawday.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in badi dadka ku nool  degmada Awdheegle ay bilaabeen inay halkaasi isaga Barakacaan, iyaga oo  ka cabsi qaba in dushooda ay ku wada dagaalamaan ciidamada dowladda  iyo Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]