4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 18, 2019
James Swan oo mar kale baaq u diray guddiga Doorashada Jubbaland

 

Axad, Augusto, 18, 2019 (HOL)-Wakiilka QM ee Soomaaliya, James Swan ayaa ka dalbaday Guddiga doorashada Jubbaland in ay fuliyaan dhammaan qodobadii ay ka dalbadeen beesha caalamka taasoo aan la fulin qaar ka mid ah qodobadaas, inkastoo uu uga mahad celiyay uu dib u dhigay guddigu waqtiga doorashada madaxweynaha si fursad loo siiyo musharixiinta wali maqan.

Wakiilka QM ayaa qoraal u usoo saaray ku sheegay in isbeddelada guddiiga  ay sameeyeen aysan weli buuxin tallaabooyinkii beesha caalamka ay  codsatay in la qaado, si loogu kalsoonaado hannaanka doorashada  Jubaland.

“Warqaddeeni 8-da August, ee aan kuu soo diray aniga oo wakiil ka ah saaxiibada Soomaaliya ee caalamka, waxaan ku adkeynay muhiimadda hanaan doorashada oo cad, la isku raacsan yahay, la isku haleyn karo , islamarkaana heli kara taageerada dadka Jubaland oo dhan, horseedi karana midnimada bulshada Jubaland.” ayuu ku qoray James Swan qoraalkii uu u direy guddoomiyaha doorashada Jubbaland Xamza.

Wakiilka QM ayaa ku xusay qoraalkiisa in haddii aan la qaadan tallaabooyinka ay codsatay beesha caalamka aysan taageeri doonin natiijada hanaanka doorashada Jubaland.

“Guddiga doorashada haddii uusan wax laga qaban walaacyada muhiimka ah ee ay qabaan dhinacyada ay quseyso arrintan, waxaa jirta halis ah in natiijada hanaanka doorashada uusan heli doonin taageerada buuxda ee lagama maarmaanka u ah in la joogteeyo xasiloonida iyo nabadda Jubaland” ayuu sii raaciyay James Swan.

Balse qoraalkan laguma xusin mowqifka ay beesha caalamka ka qabaan doorashooyinkii iska soo horjeeda maalintii shalay  lagu qabtay magaalada Kismaayo.

Hoose ka Akhriso qoraalka ka soo baxay James Swan :


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]