3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2019
Ciidanka Booliska Somaliland oo sheegay in laba saacadood ku soo qabteen gacan ku dhiigle nin ku dilay magaalada Hargeysa

 

Sabti, August, 17,  2019 (HOL)–Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xalay saacado kooban ku qabtay gacan ku dhiigle Toorey ku dilay nin shicib ah ka dib markii uu baxsaday..

Taliye ciidanka Booliska Gen:C/raxmaan Fooxle ayaa sheegay in muddo kooban gudaheed ku soo qabteen gacan ku dhiigle muwaadin ku dilay magaaladda Hargeysa, waxaanu u hambalyeeyey ciidankii ku guulaystay soo qabashada ninkaasi baxsanayey.

“Xalay waxa uu dil ka dhacay xaafada qoob dameereed, dilkaasi oo uu gaystay gacan ku dhiigle Mustafe Sheekh Maxamed Faarax oo khaarajiye loo yaqaan, waxaa uu dilay marxuum Yuusuf Cali Wayd Cadaani oo labadaba da’doodu yihiin konton jiro, waxaana lagu dilay marxuumka Toorey, waxaanu falkaasi dhacay todobadii iyo badhkii fiidnimo ee xalay.”ayuu yidhi taliye Fooxle oo ka warbixinayey dilkaasi ka dhacay magaaladda Hargeysa.

Waxaanu intaas ku daray “Ciidanka Boolisku waxaa uu gallay hawlgal adag si gacan ku dhiiglaha loo soo qabto isagoo isticmaalay xeelado kala duwan sida jid goyn iyo daba gal, isago wadooyinka uu marayo laga sii xidhay, waxa lagu guulaystay in la qabto sagaalkii iyo badhkii habeenimo, iyadoo lagu qabtay galbeedka magaalada Hargeysa gaar ahaan warshada masaabiirta iyo kaalinta indho birta  agteedda, ciidanku muddo laba saacadood buu gacan ku dhiiglahaasi ku soo qabtay, iyagoo isticmaalaya xeelado kala duwan, waana ku hambalyeynaya ciidanka boooliska wakhtiga kooban ee ay ku qabteen gacan ku dhiiglaha.”

Falkan ayaa xalay ka dhacay degmada Gacan libaax gaar ahaan xaafada qoob dameeraad oo ah waqooyi bari ee magaaladda Hargeysa, waxaana lagu soo qabtay gacan ku dhiiglaha degmada Koodbuur ee galbeedka magaaladda, gaar ahaan xaafadda jigjiga yar.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland

 

 













Click here
8/17/2019 3:16 PM EST
Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegay in caawa halkaa is rasaaseyn xoogan ku dhaxmartay ciidamo ka kala tirsan Booliiska iyo Nabad-sugid.

8/17/2019 10:57 AM EST
Sabti, August, 17, 2019 (HOL – Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa laalay heshiishkii saddexda xisbi ku heshiiyeen in komishanka doorashooyinka lagu kordhiyo laba xubnood.

8/17/2019 9:44 AM EST
Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horreysay ugu baaqay Soomaaliland wada-hadal, isagoo marka hadal ka jeediyay munaasabad lagu soo bandhigay buug ka hadlaya nabadda Soomaaliya.

8/17/2019 9:39 AM EST
Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)- Safiirka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen ,Cabdullahi Xaashi Shuuriye ayaa xilli dambe oo xalay ah soo gaaray dekedda magaalada Boosaaso, halkaa oo uu soo gaarsiiyay nin u baxsadey dalka Yemen oo horey dil uga geystay gudaha Puntland.

8/17/2019 9:11 AM EST
Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)- Maxkamadda sare ee Puntland maanta u fariista kiiska la xiriira kufsigii iyo dilkii loo geystay Caasho Ilyaas Aadan.

8/17/2019 8:57 AM EST
Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay baaqeedii hore ee ahaa in marnaba aysan aqoonsan doonin natiijo kasta oo ka soo baxday doorashooyinka Jubbaland tan Baarlamaanka iyo madaxweynaha intaba.

8/17/2019 8:52 AM EST
Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magacaabay guddiga ku-meelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland.

8/17/2019 5:57 AM EST
Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)-Kooxda Kubadda Cagta Zamalek ee reer Masar ayaa ku dhufatay 7-0 kooxda kubadda Cagta Dekedda ee Soomaaliya Lugtii hore cayaar ka tirsan Koobka tartanka CAF Champions League

8/17/2019 5:13 AM EST
Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)-Waxaa goor dhaw la soo gabagabeeyay wajigii hore doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Labaad ee dowlad gobolleedka Jubbalad oo ay ku tartamayeen labo musharax.

8/17/2019 4:29 AM EST
Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo saaka ka dhacay deegaanka Daynuunaay oo qiyaastii 30KM u jira magaalada Baydhabo, halkaasoo saldhig ay ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya.

8/17/2019 1:42 AM EST
Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)- Maanta ayuu qorshuhu ahaa in magaalada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud uu ka furmo shirka dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug, hasse ahaatee shirkaa ayaa dib u dhacay markii labaad.

8/17/2019 1:20 AM EST
Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)-Magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa in maanta ay ka dhacdo doorashada doorashada Guddoonka baarlamaanka maamulka Jubbaland, waxaana si weyn looga dareemaya diyaar Garowga Xarunta doorashadda ay ka dhaceyso.

8/17/2019 1:12 AM EST
Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)-Guddiga Madaxa bannaan Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa dib u furay waqtiga is diiwaan gelinta Musharaxiinta aan horay isu diiwaan gelin, iyadoo dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha oo qabsoomi doonta 22 bishan.