4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2019
Golaha Wakiilada Somaliland oo laalay heshiishkii saddexda xisbi ku heshiiyeen

 

Sabti, August, 17,  2019  (HOL – Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa laalay heshiishkii saddexda xisbi ku heshiiyeen in komishanka doorashooyinka lagu kordhiyo laba xubnood.

Taliyaha sharciga ee golaha Wakiilada Somaliland Gar-yaqaan Mustafe Maxamed Daahir ayaa sheegay inuu jabay mooshinkii wax laga bedelay xeerka doorashooyinka ee lagu kordhiyey laba xubnood guddida doorashooyinka.

Golaha wakiilada ayaa loo gudbiyey  mooshin wax lagaga bedellayo xeerka doorashooyinka oo guddida doorashooyinka oo ahaa todoba xubnood laga dhigi lahaa sagaal xubnood, haseyeeshee waxa uu taliyaha sharcigu sheegay mar hadii laga dooday xeerkaasi aan dib loo soo celin Karin inta lagu guddo jiro kalfadhigaas, sidaas darteed waxay ka dhigan tahay in golaha wakiiladu ka hor yimaadeen wax ka bedelka xeerkaasi iyo heshiishka saddexda xisbi.

“Waxaa isoo baxay in aan la furi Karin mooshin khuseeya kalfadhigaasi oo goluhu hore uga dooday, waxaanu u dhigan yahay qodobkaasi lama furi karo mooshin hadii uu arinta uu ka hadlayo ama mooshinku khuseeyo uu goluhu ka dooday isla kalfadhigaasi, sidaas buu mooshinkaasi ku jabay mana waafaqsana xeer hooasaadka soo jeedin kasta oo ku saabsan wax ka bedelka xeerkan “ayuu yidhi taliyaha arrimaha sharciga ee golaha Wakiilada Mustafe maxamed Daahir.

Sidoo kale, goluhu wuxuu gallay fasaxiisii caadiga ahaa oo dhan 45 cisho, taasina waxay dib u sii riixaysaa in doorasho wakhtigeedii u dhacdo.

Dhinaca kale, labada xisbi mucaarad ayaa cambaareeyey talaabooyinka ay qaadeen golaha Wakiilada, waxaanu ku eedeeyeen in xukuumaddu dabada ka riixayso in mooshinkaasi la ogolaado, waxaanay xuseen inay xukuumada iyo xisbiga KULMIYE ka gaabiyeen inay ka hawlgalaan in heshiishkii saddexda xisbi la ansixiyo.

Xisbiyada mucaaradka ayaa sheegay in mooshinkan in la hor istaago ay ka dambaysay xukuumaddu,isla markaana gudoomiyaha golaha Wakiiladda lagu cadaadiyey inuu golaha soo xidho si aanu mooshinkaasi usii socon.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.