4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2019
Madaxweynaha Puntland oo magacaabay guddiga ku-meelgaarka ah ee doorashooyinka

Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magacaabay guddiga ku-meelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland.

Guddiga oo ka kooban sagaal xubnood ayaa waxaa soo doorta Baarlamaanka, halka shanta xubnood ee kale uu magacaabo madaxweynaha Puntland.

"Markuu garawsaday: baahida looqabo in la magacaabo Guddiga Doorashooyinka Puntland, si loo dar-dargeliyo geeddi socodka nidaamka dimuquraadiyaynta Puntland." ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Hoos ka akhri magacyada xubnaha sagaalka ah ee guddiga doorashooyinka;

1. Cabdinuur Shiikh Maxamed Isxaaq

2. Sahra Jaamac Saalax

3. Cali Jaamac Faarax

4. Cabdullaahi Faarax Mire

5. Cabdullaahi Cabdi Ducaalle

6. Guulleed Saalax Bare

7. Jaamac Xirsi Faarax

8. Xafso Salaad Maxamed

9. Cadirisaaq Axmed Siciid

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]