4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2019
Kooxda kubadda Cagta Zamalek ee reer Masar oo 7-0 ku dhufatay Kooxda Dekeddaha ee Soomaaliya

 

Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)-Kooxda Kubadda Cagta Zamalek ee reer Masar ayaa ku dhufatay 7-0 kooxda kubadda Cagta Dekedda ee Soomaaliya Lugtii hore cayaar ka tirsan Koobka tartanka CAF Champions League

Weeraryahanka reer Morocco Achraf Bencharki ee ka tirsan  Zamalek ayaa ku daah furay kulanka Labo Gool, waxaa sidoo kale guulasha kale dhaliyay cayaar-yahannada kala ah Karim Bambo  iyo Mostafa Mohamed.

Inakstoo cayaartan ay ka dhacday Garoonka lexandria's Borg El-Arab Stadium, haddana labada kooxood labadooda Lugba waxaa ay balantu aheyd in ay ku wada cayaaraan magaalada Mediterranean.

Guul-daradan ayaa noqoneysa mid weyn oo ku dhacday kooxda Kubadda Cagta Dekeddaha ee ku mataleysa tartanka Qaranka Soomaaliya, waana qeyb ka mid ah inta badan guul-darooyinka ay kooxaha Soomaalida kala kulmaan tartamada ay ugu baxaan dalka dibadiisa.

Kooxda  Zamalek ayaa tani u noqoneysaa guulweyn oo ay gaartay madaama ay ku dhameysatay cayaarta waqtigii loogu tala-galay 7-0, waxaana gacan weyn siiyay oo Goolal badbaadiyay Goolhayahooda Hussein.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]