4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2019
Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland oo maanta la dooranayo

 

Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)-Magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa in maanta ay ka dhacdo doorashada doorashada Guddoonka baarlamaanka maamulka Jubbaland, waxaana si weyn looga dareemaya diyaar Garowga Xarunta doorashadda ay ka dhaceyso.

Guud ahaan marka la eego Amaanka magaalada Kismaayo ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana ku  sugan goobta loogu tala galay in lagu qabto doorashadda guddoonka  baarlamaanka Jubbaland ciidamada Booliska iyo kuwa AMISOM.

Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa sheegay in maanta ay dhici doonto doorashadda Gudoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.

Xildhibaano iyo xubno ka socda beesha Caalamka ayaa goobjoog ka noqon doona Doorashadda guddoonka baarlamaanka Jubbaland ee maanta dhaceysa.

Dhinaca kale lama oga talaabada ay qaadayaan musharixiinta Isbadal doonka oo dhinacooda dhawaan uga dhawaaqay xildhibaannada Baarlamankii Labaad ee Jubbaland ay yeelaneyso.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]