Hay’ad loogu magac darray AUN Maxamed Sh. Cali oo Muqdisho looga dhawaaqay
Jimco, Augusto,
16, 2019 (HOL)- Hay’ad ka shaqeyn doonta
caawinta dadka dan’yarta iyo carruurta agoonta ah ayaa looga dhawaaqay magaalada
caasimadda ah ee Muqdisho.
Hay’addan ayaa
loogu magac darray Allaha u naxaristo Maxamed Maxamuud Sheekh Cali oo ahaa nin
dhallinyaro ah oo tusaale u ahaa ganacsiga , wuxuuna muddo kooban caan ka
noqday caasimadda Muqdisho, kaddib markii uu hirgeliyay fikrado ganacsi oo lagu
mah-diyay, waxaa kalo uu fulin jiray barnaamijyo lagu taageerrayo dadka dan’yarta
ah iyo carruurta agoonta.
AUN Maxamed ayaa
koox hubeysan ay ku dileen Muqdisho 2 bishii Agoosto ee sannadkii 2018ka.
“Maxamed Maxamuud
asagaa aasaasay hay’addan,waayo isaga ayaa waxa uu kaalmeyn jirey ilmaha agoonta
ah iyo qoysaska dan’yarta ah, waxaa jirtay wiilal uu dugsiga ka bixin jiray,
qaar uu jaamacadda ka bixin jiray.. marka wixii uu ka tagey ee wanagsanaa waa
lagama maarmaan, wayna naga go’antahay inan wadno si uusan u baabi’in oo
magaciisa uu u haro.” ayuu yiri Aabbe
Maxamuud Sheekh Cali.
Munaasabadda lagu
shaaciyay hay’adda ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin, qurba-joog iyo xubno ka
socday qaybaha bulshada, waxaana ay dhammaan ku dheeraadeen sida uu
dhallinyarada Soomaaliyeed tusaale ugu ahaa marxuun Maxamed Maxamuud.
Ka qayb-galayaasha
ayaa sidoo kale sheegay sannad kaddib geerida marxuun Maxamed, inay ku xasuusan
doonaan sida uu ugu dhiirrigalin jiray dhallinyarada iyo aqoon-yahanka
Soomaaliyeed inay dib dalka ugu soo laabtaan, kuna soo kordhiyaan fikraddo wax
bedeli kara.
Iman Mohamed Jama,
Hiiraan Online
[email protected]