4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 16, 2019
Duqa magaalada London oo la kulmay Jaaliyadda Soomaalida iyo Qoyska uu ka geeriyooday Eng Yariisoow


Khamiis, Augusto, 16, 2019 (HOL)– Sadiiq Khan Duqa magaalada London ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu baroordiiqayay geeridee ku timid Duqii hore ee Muqdisho Eng Cabdiraxman Cumar Cismaan Yariisoow oo u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay xarunta gobolka Banaadir.

Sidoo kale munaasabada Tacsida waxaa joogay oo ka qeybgalay Qoysaska marxuumka iyo carruurtii uu ka tagay oo qaarkood ay goobta isku gacan qaadeen.

Duqa magaalada London Sadiiq Khan ayaa uga tacsiyadeeyay qoyska geerida Marxuumka, sidoo kale waxaa uu sheegay inay sharaf u aheyd inuu ka qeyb galo munaasabadda xuskan, isagoo xusay inay ku xusuusan doonnaan geesinimadiisa, niyad wanaaggiisa iyo mustaqbalka wanaagsan.

Duqii hore ee Muqdisho Eng. Yariisow ayaa muddo dheer ku noolaa magaalada London, wuxuuna kaga jiray dadka kaalinta firfircoon ku lahaa qurbo joogta Soomaalida magaaladaas ku noolaa,  isagoo ka noqday Hoggaamiye bulsho iyo maamule iskuul, sidoo kale wuxuu madax ka ahaa Ururka u dooda xuquuqda Soomaalida ee UK, Somali Concern Group ee UK.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]