3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 16, 2019
Duqeyn lagu dilay 21 dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab

 

Jimco, Augusto, 16, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in diyaaradaha Mareykanka oo taageerro siinaya ciidamada dowladda duqeyn la beegsadeen saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan deegaannada Mubaarak iyo Janaale

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa u sheegay  Idaacada Ciidamada Qalabka sida in duqeynta ka dhacday  saldhiga Mubaarag lagu dilay 21 ka tirsanaa dagaalyahannada Ururka Al-shabaab oo isugu jiray sida ay hadalka u dhigeen saraakiisha Soomaaliya iyo Ajnabi.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa intaa ku daray in  duqeyn labaad ay ka dhacday deegaanka Janaale ee duleedka Magaalada  Marka,isla markaana lala eegtay xumno ka tirsan Al-Shabaab khasaarana  lagu garsiiyay.

Al-Shabaab weli kama hadlin warkaan kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Shabeellaha Hoose kaas oo ku aadan in duqeyn lala eegtay Saldhigyo Al-Shabaab ku leeyihiin deegaannada Mubaarak iyo Janaale ee Gobolkaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 

 













Click here
8/16/2019 3:46 PM EST
Jimco, Augusto, 16, 2019 (HOL)- Guddiga xuduuddaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa waqti dheeraad ah ku darray xilliga is-diiwaangelinta ee musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Jubbaland, sida ay oggaatay Hiiraan Online.

8/16/2019 3:05 PM EST
Jimco, Augusto, 16, 2019 (HOL)- Kooxda haweenka ah ee kubadda Koleyga Muqdisho City Clup ayaa sannadkan ku mataleysa Soomaaliya tartanka caalamiga ah ee koleyga dalalka geeska Afrika. Tartanka oo ay ka qaybgalayaan kooxo ka socda dhammaan dalalka geeska Afrika iyo dalka Masar ayaa sannadkan lagu qabanaya dalka Tanzania.

8/16/2019 2:39 PM EST
Jimco, Augusto, 16, 2019 (HOL)- Hay’ad ka shaqeyn doonta caawinta dadka dan’yarta iyo carruurta agoonta ah ayaa looga dhawaaqay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

8/16/2019 11:44 AM EST
Khamiis, Augusto, 16, 2019 (HOL)– Sadiiq Khan Duqa magaalada London ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu baroordiiqayay geeridee ku timid Duqii hore ee Muqdisho Eng Cabdiraxman Cumar Cismaan Yariisoow oo u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay xarunta gobolka Banaadir.

8/16/2019 9:39 AM EST
Jimco, Augusto, 16, 2019 (HOL)-Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay afar ruux toogasho lagu dilay maanta.

8/16/2019 8:29 AM EST
Jimco, Augusto, 16, 2019 (HOL)-Wasaaradda arrimaha gudaha Israel, ayaa sheegtay inay Rashida Tlaib oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, u ogolaatay inay booqato qoyskeeda degan Daanta Galbeed ee la haysto.

8/16/2019 8:21 AM EST
Jimco, Augusto, 16, 2019 (HOL)-Ciidamada Amaanka dowladda Soomaaliya ayaa degmada Howlwadaag gaar ahaa suuqa weyn ee Bakaaraha ku toogtay Suuqa Bakaaraha afar ruux oo mid haween aheyd, kuwaasoo la sheegay inay qorsheynayeen isku day dil lala beegsan rabay Mas’uul dowladeed.

8/16/2019 1:12 AM EST
Jicmo, Augusto, 16, 2019, (HOL)-Iyadoo lagu wado in maalinta berri ah uu ka furmo magaalada Dhuusa-Mareeb shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug ayuu sheegay guddoonka guddiga qaban-qaabada in dhamaanba la soo dhameystiray Liiska ergada shirka ka qeybgali doonta,

8/16/2019 12:59 AM EST
Jimco, Augusto, 16, 2019 (HOL)-Wakiillada Midowga Afrika, IGAD iyo Qaramada Midoobay oo shalay booqasho ku tagay magaalada Kimaayo ayaa ka digay in haddii aan xaaladda cakiran xal loo helin ay xasillooni-darro u horseedi karto maamul gooleedka Jubbaland. Xubnaha ayaa ku baaqay in hannaan keliya loo maro doorashada.