Beesha Caalamka : dhinacyada Kismaayo waxaan ugu baaqeynaa in ay ka fogaadaan gacan ka hadal
Jimco, Augusto, 16, 2019 (HOL)-Wakiillada Midowga Afrika, IGAD iyo Qaramada Midoobay oo shalay booqasho ku tagay magaalada Kimaayo ayaa ka digay in haddii aan xaaladda cakiran xal loo helin ay xasillooni-darro u horseedi karto maamul gooleedka Jubbaland. Xubnaha ayaa ku baaqay in hannaan keliya loo maro doorashada.
War-saxaafadeed kasoo baxay xubnaha ayaa ka dambaysay markii ay
magaalada Kismaayo shalay kula kulmeen madaxda siyaasadda ee maamulka
Jubbaland iyo kuwa mucaaradka.
Xubnahaasi waxaa ay dhinacyada ugu baaqeen in ay ka figaadaan wixii keeni
kara gacan ka hadal, isla markaana khilaafkooda ay ku xalliyaan si nabadgelyo ah.
Waxaa muuqaneysa in wali is afgarad buuxa aan laga gaarin khilaafka ka dhashay doorashada iyo sidii laga yeeli lahaa musharixiinta wali doonaya in ay ka qeybgalaan doorashada laakiin guddigu ay ku xireen sharuudaha adag.
Doorashada hoggaanka maamulka Jubbaland ayaa lagu wadaa inay dhacdo
19-ka bishan Ogosto, hase ahaatee musharrixiinta mucaaradka ayaa iyagana
laga cabsi qabaa inay doortaan hoggaan u gaar ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]