3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2019
Shirka wadatashiga ka faa'ideystayasha mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta oo Baydhabo ku soo dhamaaday


Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)- Waxaa Magaalada Baydhaba ku soo gaba-gaboobey Kulanka Wadatashiga Ka faa’ideystayaasha Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta kaa soo ka socday magaalada Baydhabo intii u dhexeysay 13ka illaa 15ka Agoosto 2019ka.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa si rasmi ah u furey Madaxweynaha Dowlad- goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen), islamarkaana uuna soo xirey Gudoomaha baarlamaanka Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa ayaa waxaa ka soo qeybgaley Wasirka Wasaaradda WBI&T, Mudane Eng. Cabdi Cashur Xasan iyo Wasiir-dowlaha WBI&T, Mudane Xildh. Cabdullaahi Bile Nuur; Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee HirShabeelle, Mudane Xildh. Eng. Cabdiwali Sheekh Cali; Wasiirka Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Koonfur Galbeed, Mudane Xildh. Mohamednuur Sheekh Cadde; Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska ee Puntland Mudane Cali Xassan Axmed ayaa waxaa looga hadlay waxyaabihii ka qabsoomey shirkii wadatashiga ahaa ee ka qabsoomay Magaaladda Muqdisho intii u dhaxaysay 16-18, Abriil 2019.

Shirkan oo muddo seddex maalmood ah ka socday Magaalada Baydhabo oo ay ka soo qeybgaleen sidoo kale Agaasimayaasha guud iyo Agaasime Waaxeedyada WasaaraddahaBoostada, Isgaarsiinta ee heer federaal iyo heer Dawlad-goboleed, Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta, Bahda Waxbarashada sare, Jaamacadda Ummada iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa waxa ay masuuliyiinta ka soo qeybgalay Shirka wada-tashiga isla meel-dhigeen qodobadan hoos ku xusan:

1. Waxaa ay uga mahadceliyeen Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee DFS kulankan wadatashiga ah iyo kii ka horeeyeyba waxa ayna soo jeediyeen in la joogteeyo kulamada nuucan oo kale ah.

2. Waxa ay bogaadiyeen shaqooyinkii qabsoomey intii u dhaxeysay labada shir weyne taasi oo la fuliyey shaqooyinkii lagu balamay badankooda inta harsanna ay socoto shaqadoodu iyada oo ay ka wada shaqaynayaan WBIT heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta iyo Bankiga Aduunku.

3. Waxa ay soo dhaweeyeen sida quruxda badan ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadd heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed uga wada shaqeeyeen ka howl gelidda iyo dardar gelinta Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta wejigiisa Labaad iyo kan Sadexaad ee la rajaynayo.

4. Waxa la isla qaatay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo ka faa’ideysashada mashruuca Cusub ee Dadaalka Geeska Afrika, kaasi oo war bixin ku saabsan goobta uu MTI ku soo bandhigey. Dhamaan kasoo qeyb galayaashuna ay soo dhaweeyeen mashruucaa laguna balamay in dhamaan ka faa’ideystayaasha kala duwan ay si mug leh uga qeyb qaataan.

5. Waxaa la’isku raacay in shirka kan xiga lagu qabto magaala madaxda Dowlad Goboleedka Hirshabeella ee Jowhar.

6. Waxaa Shirku uu u mahadceliyey Mashruuca taakuleynta Isgaarsiinta oo gacan ka geystay qabsoomida shirweynahan wada-tashiga ah iyo waxyaabihii tiradda badnaa ee ay u qabteen dalka guud ahaan.

7. Ugu danbeyn waxaa loo mahad celiyey Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed sida wanaagsan ee ay u marti geliyeen shirkan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 















Click here
8/15/2019 12:54 PM EST
Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)– Golaha wasiirrada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta yeeshay shir toddobaadkii uu golaha yeesho maalinta khamiista ayaa ansixiyay heshiis is afgarad oo u dhaxeeyay wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo wasaaradda Qoyska, Shaqada iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyada Turkiga.

8/15/2019 10:54 AM EST
Khamiis, Augusto, 15. 2019 (HOL)-Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa hiirtii hore ee saaka kormeer shaqo kusoo maray qaar kamid ah xarumaha wasaaradaha qaranka iyo hay’adaha madaxa bannaan ee dawladda, waxana uu u kuurgalay hannaanka ay shaqadu ugu socoto xarumahaas.

8/15/2019 10:49 AM EST
Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)-Waxaa maanta magaalada Jigjiga lagu xusay sannad guuradii 35aad ee Aas-aaska Ururka ONLF, xuskan ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Jigjiga.

8/15/2019 8:58 AM EST
Khamiis, August, 15, 2019 (HOL –Wasaarada waxbarashada Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday natiijadii imtixaanka shahaadiga ah ee gobolada oo dhan, waxaana sanadkan imtixaanka u fadhiistay ku dhowaad sodon kun oo arday oo iskugu jira dugsiga dhexe iyo dugsiga Sare.

8/15/2019 8:44 AM EST
Khamiista, Augusto, 15, 2019 (HOL)- Ku dhawaad Afar sano kaddib magaalada Beledweyne waxaa dib uga bilaawday isticmaalka lacagta shilinka Soomaaliga oo meelaha qaar wax lagu kala iibsanayo.

8/15/2019 6:54 AM EST
Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)–Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi ka socday beesha Caalamka oo uu hoggaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan waxaa kale oo wafdiga kamid ahaa xubno kasocday IGAD, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale.

8/15/2019 5:04 AM EST
Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)–Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa isbitaalka ku booqday askarta ka tirsan ciidanka xoogga dalka ee shalay ku dhaawacmay weerarkii Al-Shabaab ku qaaday saldhigga ciidanku ay ku leeyihiin degamada Aw-dheegle ee gobalka Shabeellada Hoose.

8/15/2019 3:24 AM EST
Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)– Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa diidday eedeymaha la xiriira inay shaqo la'aan ka jirto Puntland, isaga oo marka sababay diidmadiisa.

8/15/2019 3:23 AM EST
Khamiis,Augusto, 15, 2019 (HOL)- Ururka Qaranka suxufiiyinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa cambaareeyay dilka sawir qaade ka tirsanaa Idaacada codka ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku dhintay weerarkii is qarxinta ahaa ee shalay lagu qaaday Awdheegle

8/15/2019 3:11 AM EST
Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)– Marekanka ayaa dalkiisa ka mamnuucay madaxii hore ee ciidammada sirddoonka Suudaan Saalax Gosh, iyada oo go'aanka uu qayb ka yahay cunaqabateyn uu Marekanka ku soo rogay sarkaalka.

8/15/2019 3:04 AM EST
Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xaaladu saakay degan tahay kaddib weerar loo adeegsaday qaraxyo oo shalay ay ku qaadeen xoogagga Ururka Al-shabaab

8/15/2019 2:56 AM EST
Khamiis,Augusto, 15, 2019 (HOL)-Magaalada Kismaayo oo ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ayaa lagu wadaa in ay maanta gaaraan wafdi ka socda beesha calaamka

8/15/2019 1:08 AM EST
Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)-Magaalada Taariikhiga ah ee Philadelphia ee dalka Mareykanka waxaa shaley galab ilaa xaley ka socdey toogasho iyo weerar dhex marey dabley hubaysan iyo ciidmada Booliiska dalkaas oo isku dayaya inay ka hortagaan kooxaha weerarka soo qaaday

8/15/2019 12:56 AM EST
Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)–Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay ay halkaa ka soconayeen kulamo la doonayay in lagu xaliyo xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay doorashada.