8/25/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2019
Maxay ka wada-hadaleen Axmed Madoobe iyo wakiilka QM oo ay weheliyeen xubno ka socday IGAD iyo Midowga Afrika ?




Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)–Madaxweynaha  Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi ka socday beesha Caalamka oo uu hoggaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan waxaa kale oo wafdiga kamid ahaa xubno kasocday  IGAD, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale.

Dhinaca Jubbaland waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay kulankan Madaxweyne ku xigeenada iyo Wasiirada Arimaha gudaha iyo Amniga.

Kulankan waxaa looga  wada-hadlay hannaanka ay u socoto doorashada Jubbaland iyo sidii ay u noqon laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, lagana fogaado waxkasta oo keenaya fawdo iyo amni darro.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa  Jubbaland ka codsadey in fursad la siiyo musharraxiinta mucaaradka si ay isu diiwaangeliyaan ugana qeybgalaan doorashada iyo in wax ka badal lagu sameeyo shuruuda lagu xirey musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynenimo ee Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa  xubnahan kasocday Beesha Caalamka  u sheegay inuusan asagu sharciyad u laheyn wax ka badalka jadwalka doorashada guddiga xuduuddaha iyo doorashooyinkana ay howshaa tahay shaqadooda.

Ugu danbayntii waxaa la isku raacay in gudiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland laga sugo jawaabta kama danbaysa ah ee la xiriirta hannaanka Doorashooyinka Jubbaland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
8/15/2019 2:33 PM EST
Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)- Waxaa Magaalada Baydhaba ku soo gaba-gaboobey Kulanka Wadatashiga Ka faa’ideystayaasha Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta kaa soo ka socday magaalada Baydhabo intii u dhexeysay 13ka illaa 15ka Agoosto 2019ka.

8/15/2019 12:54 PM EST
Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)– Golaha wasiirrada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta yeeshay shir toddobaadkii uu golaha yeesho maalinta khamiista ayaa ansixiyay heshiis is afgarad oo u dhaxeeyay wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo wasaaradda Qoyska, Shaqada iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyada Turkiga.

8/15/2019 10:54 AM EST
Khamiis, Augusto, 15. 2019 (HOL)-Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa hiirtii hore ee saaka kormeer shaqo kusoo maray qaar kamid ah xarumaha wasaaradaha qaranka iyo hay’adaha madaxa bannaan ee dawladda, waxana uu u kuurgalay hannaanka ay shaqadu ugu socoto xarumahaas.

8/15/2019 10:49 AM EST
Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)-Waxaa maanta magaalada Jigjiga lagu xusay sannad guuradii 35aad ee Aas-aaska Ururka ONLF, xuskan ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Jigjiga.

8/15/2019 8:58 AM EST
Khamiis, August, 15, 2019 (HOL –Wasaarada waxbarashada Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday natiijadii imtixaanka shahaadiga ah ee gobolada oo dhan, waxaana sanadkan imtixaanka u fadhiistay ku dhowaad sodon kun oo arday oo iskugu jira dugsiga dhexe iyo dugsiga Sare.

8/15/2019 8:44 AM EST
Khamiista, Augusto, 15, 2019 (HOL)- Ku dhawaad Afar sano kaddib magaalada Beledweyne waxaa dib uga bilaawday isticmaalka lacagta shilinka Soomaaliga oo meelaha qaar wax lagu kala iibsanayo.

8/15/2019 5:04 AM EST
Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)–Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa isbitaalka ku booqday askarta ka tirsan ciidanka xoogga dalka ee shalay ku dhaawacmay weerarkii Al-Shabaab ku qaaday saldhigga ciidanku ay ku leeyihiin degamada Aw-dheegle ee gobalka Shabeellada Hoose.

8/15/2019 3:24 AM EST
Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)– Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa diidday eedeymaha la xiriira inay shaqo la'aan ka jirto Puntland, isaga oo marka sababay diidmadiisa.

8/15/2019 3:23 AM EST
Khamiis,Augusto, 15, 2019 (HOL)- Ururka Qaranka suxufiiyinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa cambaareeyay dilka sawir qaade ka tirsanaa Idaacada codka ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku dhintay weerarkii is qarxinta ahaa ee shalay lagu qaaday Awdheegle

8/15/2019 3:11 AM EST
Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)– Marekanka ayaa dalkiisa ka mamnuucay madaxii hore ee ciidammada sirddoonka Suudaan Saalax Gosh, iyada oo go'aanka uu qayb ka yahay cunaqabateyn uu Marekanka ku soo rogay sarkaalka.

8/15/2019 3:04 AM EST
Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xaaladu saakay degan tahay kaddib weerar loo adeegsaday qaraxyo oo shalay ay ku qaadeen xoogagga Ururka Al-shabaab

8/15/2019 2:56 AM EST
Khamiis,Augusto, 15, 2019 (HOL)-Magaalada Kismaayo oo ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ayaa lagu wadaa in ay maanta gaaraan wafdi ka socda beesha calaamka

8/15/2019 1:08 AM EST
Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)-Magaalada Taariikhiga ah ee Philadelphia ee dalka Mareykanka waxaa shaley galab ilaa xaley ka socdey toogasho iyo weerar dhex marey dabley hubaysan iyo ciidmada Booliiska dalkaas oo isku dayaya inay ka hortagaan kooxaha weerarka soo qaaday

8/15/2019 12:56 AM EST
Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)–Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay ay halkaa ka soconayeen kulamo la doonayay in lagu xaliyo xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay doorashada.