3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 14, 2019
Sheekh Zakir Naik oo xiisad ka abuuray Malaysia

 

Arbaco, Augusto, 14, 2019 (HOL)-Golaha wasiirada Malaysia ayaa maanta ka wada-hadlay waxa laga yeelayo degenaanshaha joogtada ah ee uu dalkaas ku leeyahay Sheekha u dhashay India ee Zakir Naik, ayada oo saddex wasiir ay dalbadeen in dalka laga cayriyo sababo la xiriira eedeymo ku saabsan inuu jeediyey hadallo jinsiyeed xasaasi ah.

Sheekh Zakir Naik, oo Malaysia ku noolaa saddexdii sano ee tagay, ayaa dalka India ku wajahaya dacwado la xiriira been xalalaeyn lacageed iyo inuu jeediyey hadallo naceyb ah.

Waxa uu dhowaan jeediyey hadal aad looga dhalleeceeyey Malaysia, oo ah in dadka Hindus-ka ah ee ku nool dalkaas ku yaalla Koonfur Bari Asia ay “100 mar ka xuquuq badan yihiin” Muslimiinta laga tirada badan yahay ee India.

Ka hadalka arrimaha jinsiga iyo diinta ayaa xasaasi ka ah Malaysia, oo ah dal Muslimiinta ay yihiin 60% ee 32-ka milyan ee ku nool. Inta soo hartay ayaa badankood ah Shiinees iyo Hindi badankood ah Hindus.

Wasiirada Malaysia ayaa sheegay in hadalka Zakir laga yaabo in looga dan lahaa in xiisad looga dhex abuuro Muslimiinta iyo kuwa aan Muslimka ahayn ee Malaysia. Sheekh Zakir waa uu beeniyey eedeymahaas.

“Waxaan caddeenay mowqifkeena, waana in tallaabo la qaadaa, oo Zakir Naik aan loo ogolaan inuu sii joogo Malaysia” Waxaa sidaas bayaan uu soo saaray ku yiri wasiirka is-gaarsiinta Malaysia Gobind Singh Deo.

“Ra’iisul wasaaraha waa uu dhageystay walaaceena. Isaga ayey u taallaa inuu mowqif qaato oo sida ugu dhaqsiyaha badan go’aan uga gaaro waxa lagu xalin lahaa dhibaatadan” ayuu yiri.

Wasiirka shaqada iyo shaqaaleynta M. Kulasegaran iyo wasiirka biyaha, macdanta iyo kheyraadka dabiiciga ah Xavier Jayakumar, ayaa iyagana ka dalbaday ra’iisul wasaare Mahathir Mohamad in la eryo Sheekh Zakir Naik.

“Ammaantii aan dowladda Malaysia ugu jeediyey sida Islaamiga ah ee wanaagsan ee ay ula dhaqanto dadka Hindus-ka ee laga tirada badan yahay ayaa si kale loo beddelay ayada oo dan siyaasadeed laga leeyahay” ayuu Sheekh Zakir ku yiri bayaan uu soo saaray.

Wakaaladda warraka Malaysia ee Bernama ayaa kasoo xigatay ra’iisul wasaare Mahathir inuu sheegay in Zakir aan dib loogu celin karin Malaysia sababo al xiriira amnigiisa.

“Haddii dal kale uu doonayo inuu mart-geliyo, waan soo dhoweeneynaa” ayuu yiri Mahathir.

VOA 

 













Click here
8/14/2019 10:51 AM EST
Arbaco, Augusto, 14, 2019 (HOL)-Wakaaladda Imtixaanaadka dalka Itoobiya ayaa goor dhawayd sheegtay in dib loo eegayo natiijadii Imtixaanaadka heer qaran ee fasalka 12aad.

8/14/2019 10:04 AM EST
Arbaco, Augusto, 14, 2019 (HOL)-Magaalada Kismaayo waxaa maanta lagu dhaariyay xildhibaannada garabka musharixiinta Isbadal-Doonka Jubbaland oo maalintii shalay lagu dhawaaqay.

8/14/2019 9:27 AM EST
Arbaco, Augusto, 14, 2019 (HOL)-Iyadoo maalinimadii shalay la shaaciyay natiijada Imtixaanka fasalka 12aad ee dalka Itoobiya, ayaa ardaydii degaanka Soomaalidu ee fasalka 12aad Imtixaanka gashay ayaa ku qanci-waayay natiijadii Imtixaanka iyadoo intooda badani ay dhibco hoose keeneen.

8/14/2019 8:59 AM EST
Arbaco, Augusto, 14, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay weerar qaraxyo ku bilaawday oo barkhadii maanta xoogagga Ururka Al-shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka Awdheegle.

8/14/2019 6:27 AM EST
Arbaco, Augusto, 14, 2019 (HOL)-Guddiga doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa soo saaray jadwal ka duwan kii hore ee la qorsheeyay in ay ku socto doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka Jubbaland.

8/14/2019 5:29 AM EST
Arbaco, Augusto, 14, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab goor dhaw weerar culus oo qaraxyo ku bilaawday ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Awdheegle oo ay dhawaan la wareegeen.

8/14/2019 4:04 AM EST
Arbaco, Augusto, 14, 2019 (HOL)-Afhayeenka Ururka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) ayaa lagu waramayaa in lagu dhaawacay howlgal ciidamada dowladda ay ka sameeyeen 11kii bishan deegaanka Shaam ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida laga xogta warbaahinta ku hadashay afka ciidamada xoogga dalka.

8/14/2019 3:51 AM EST
Arbaco, Augusto, 14, 219 (HOL)-Magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa in 17ka bishan uu ka furmo shirka dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug.

8/14/2019 1:20 AM EST
Arbaco, Augusto, 14, 2019 (HOL)–Dagaalyahanno hubeysan oo lagu sheegay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab ayaa weerarro khasaare geystay waxaa ay ka geysteen saacadihii la soo dhaafay deegaanno ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

8/14/2019 1:05 AM EST
Arbaco, Augusto, 14, 2019 (HOL) –Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaliya Axmed Ciise Cawad oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay kulan dalka Saudi Arabia ay kula yeesheen wafdigii ka socday Somaliland uu horkacayay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

8/14/2019 12:46 AM EST
Arbaco, Augusto, 14, 2019 (HOL)- Baarlamaanka maamulka magaalada Jigjiga ayaa maanta waxay Duqa maamulka magaalada Jigjiga u ansixiyeen inuu noqdo Cabdifataax Sheekh Ibraahim oo ah nin dhalinyaro degaanka u dhashay waxna bartay.