4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 14, 2019
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Awdheegle

 

Arbaco, Augusto, 14, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay weerar qaraxyo ku bilaawday oo barkhadii maanta xoogagga Ururka Al-shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka Awdheegle.

Taliyaha ciidamada Lugta General Yuusuf Raage Odawaa oo lahadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in degmada Awdheegle yaallaan  hadda  meydadka raggii weerarka soo qaaday kuwaas oo aan xisaab laheyn waa sida  uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay dagaalamayaal Al-shabaab ah lagu qabtay dagaalkaas saakay, islamarkaana ay soo bandhigi doonaan. 

Ciidamada xoogga dalka ayaa dhawaan Al-shabaab ka saaray  degmada,waxaana sidoo kale maalmahaan ay howlgallo kala duwan ka wadeen  tuulooyiinka hoostaga degmadaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]