4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 14, 2019
Weerar Qaraxyo ku bilaawday oo goor dhaw lagu qaaday saldhig ciidamada dowladda ku leeyihiin Awdheegle

 

Arbaco, Augusto, 14, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab goor dhaw weerar culus oo qaraxyo ku bilaawday ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Awdheegle oo ay dhawaan la wareegeen.

Dadka deegaanka oo warbaahinta la soo xiiriiray ayaa sheegaya in ay maqleen jugta qarax xoogan iyo rasaas culus oo xigtay, waxaana loo maleynayaa in ay gudaha u galleen qaraxyada kaddib saldhigga xoogag hubeysan  Ururka Al-shabaab.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa DANAB ayaa toddobaad ka hor waxaa ay Al-Shabaab kala wareegeen degmada Awdheegle oo mudo dhowr sano ah ay maamulayeen.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa.. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]