Arbaco, Augusto, 14, 219 (HOL)-Magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa in 17ka bishan uu ka furmo shirka dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug.
Ergadii ugu horeysay oo Dhuusa-Mareeb gaartay ayaa waxaa qaabilay xubnaha guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug, iyaga oo kala hadlay sidii uu si wanaagsan ugu qabsoomi lahaa shirka.
Odayaasha iyo Waxgaradka Magaalooyinka Dhuusa-Mareeb iyo Guriceel ayaa waxaa ay ka dalbadeen Odayaasha Dhaqanka ee degmooyinka kale in ay shirkaasi ka qeyb galaan,isla markaana uu muhiim u yahay danta dadka ku nool deegaannada Galmudug.
Ammaanka magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa aad loo adkeeyay,waxaana magaalada si wadajir ah Ammaanka u sugaya ciidamada Militariga, Nabadsugida iyo Booliiska Soomaaliya oo dhawaan halkaasi la geeyay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]