4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 14, 2019
Al-shabaab oo weerar ka geystay gobolka Waqooyi Barri Kenya

 

Arbaco, Augusto, 14, 2019 (HOL) – Dagaalyahanno hubeysan oo lagu sheegay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab ayaa weerarro khasaare geystay waxaa ay ka geysteen saacadihii la soo dhaafay deegaanno ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay waddada isku xirta deegaanka Yunbis iyo magalada Gaarisa,waxaana la sheegay in lala beegsaday gawaari ay lahayeen hay’adaha UN-ka ee ka howlgalla deegaannada Gobolka Waqooyi Bari.

Weerarkan mas’uuliyadiisa waxaa sheegtay in ay ka danbeeyeen Ururka Al-shabaab, waxaana ay sheegeen in ay gubeen mid ka mid ah Gawaarida UN-ka sidoo kale-na ay gacanta ku dhigeen laba nin oo mid ka mid ah uu ahaa darawalka Gaariga.

Weerar kale ayaa lagu waramayaa in uu ka dhacay Tuulada Sinow oo hoostagta magaalada Mandheera,waxaana weerarkas ay Shabaab sheegteen inay ku dileen Wiil iyo Aabihiis oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Kenya ee ka howlgasha Gobolka Waqooyi Bari.

Wali wax war ah kama aysan soo bixin dhinaca saraakiisha dowladda Kenya oo ka hadlayay weerarradan Al-shabaab ay sheegteen in ay ka geysteen gobolka Waqooyi Bari Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]