4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2019
Colaad Ceel-Afweyn dib uga bilaabantay oo dad dumar u badan ku dhinteen

 

Isniin, Augusto, 12, 2019 (HOL)-Shan qof ayaa hada la ogyahay oo sadex ka mid ah ay dumar yihiin ayaa ka dhashay weerar hubaysan oo ka dhacay magaalada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Kooxda weerarka geystey ayaa la sheegayaa in ay tahay mid ka mid ah laba beelood oo dagaal soo jiitamey degaankaasi ku dhexmaray, iyadoo dadka dhintayna ay hal beel ka soo wada jeedaan.
 
"Dadka  dhintay waa 5 ruux 4na waa dhaawac, xaalada degaankana hada ciidanka  ayaa gacanta ku haya, kuwii falka geysteyna waa lagu daba jiraa" sidaa  waxaa yidhi Maayarka Ceel-afweyn Cabdikariin Aw Yuusuf Axmed.
 
Xaalada  degaanada labada beelood wada degaan ayaa laga cabsi qabaa in markale  dagaal baahsan uu ka bilaabmo, iyadoo ay weli socdaan dadaalo dhawr jeer  burburay in dabaqabasho lagu sameeyo.
 
Seynab Cabdi Warsame