Dabley beelaysan oo weerar ku qaaday dad shacab ah oo jooga magaaladda Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag
Isniin, August, 12, 2019 (HOL) – Shan qof oo saddex haween yihiin, labana rag yihin ayaa
maanta lagu dilay magaaladda Ceel-afweyn ka dib marka dabley beeleysani soo
weerareen dad shacab ah ku dileen magaaladda.
Sidoo kale afar kale ayaa
weerarkaasi lagu dhaawacay, waxaanay arrintani ka dambeyay beelihii deegaankan
ku dirirsanaa oo mid ka mid ahi weerarkani soo qaaday, taas oo dhibaatadan
gaysatay.
Maayarka magaaladda Ceel AF-weyn
Cabdirixiim Aw Yuusuf Axmed ayaa sheegay in markii dablaydaasi weerarka soo
qaaday ay ciidamadii goobta joogay kala eryeen, isla markaana ku daba jiraan
dablaydii weerarka soo qaaday.
“saddex dumar ah iyo laba nin ayaa dhintay,
illaa afar qofna waa dhaawac, ciidamaduna way soo kala dhexgaleen, qoladii
weerarka soo qaadayna daba gal bay ku wadaan.”ayuu yidhi maayarka Ceel AFweyn
oo dhibatadda ka hadlayey.
Dagaalo beeleedyada iyo in kolba
beel dad beel kale ah ku layso deegaanka ayaa soo badanaysa, illa haddana xal
waara looma helin sidii dagaalkaasi loo joojin lahaa, inkastoo marar badan la
isku dayey in dagaalkaasi soo noqnoqday la joojiyo hadana sidiii la rabay uma
dhicin.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.