4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2019
Ciidamada dowladda oo wali halkoodii ka sii wada howlgalada gobolka Shabeellaha Hoose

 

Isniin, Augusto, 12, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya wali sii wadaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab qeybo ka mid ah deegaannada hoos taga degmada Awdheegle oo dhawaan ay la wareegeen ciidamada,

Saraakiisha ciidamada ee howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay  sheegeen in deegaanka Shaam ee dhaca galbeedka inta u dhaxeysa Bariirre  iyo Awdheegle howlgalka ay ka wadaan,islamarkaana ay kula wareegeen  deegaano hor leh iyaga oo dilay tiro badan oo ka  mid ah dagaalyahannada Al-shabaab.

Taliyaha ciidammada dhulka Janeraal  Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay  in howlgalkaas looga gol leeyahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa  deegaannada ay weli kaga sugan yihiin Gobolkaeasi Shabeellaha hoose.

Guddoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose Aadan Ibraahim Cali Najax ayaa  dhankiisa waxaa uu sheegay in marnaba ciidamada dowladda ay joojin  doonin holwgalkaas ilaa iyo inta ay dhamaan gobolka Shabeellaha hoose ka  saaraayaan Al-Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]