4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2019
Kenya iyo Jabuuti oo kursi ku tartamaya

Isniin, Augusto, 12, 2019 (HOL)–  Kursi ka mid ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa ku loolamaya dalalka Kenya iyo Jabuuti ee bariga qaaradda Afrika.

Kursigan oo horyaalla dalalka Afrika, ayaa cidda kaliya ee hadda ku tartamaysa waxaa ay tahay Jabuuti iyo Kenya, balse labada dalka wuxuu midba midka kale ka codsanaya inuu tunaasul u muujiyo, wallow aysan jirin jawaabo nooca ah oo wali soo baxay.

Jabuuti iyo Kenya ayaa codsiga ku aaddan helista kursiga waxaa ay u gudbiyeen Qaramada Midoobey iyo ururka Midowga Afrika,waxaana cidda ku mataleysa Afrika kursigaan la filayaa in bishan ay go’aamiyaan Midowga Afrika.

Kenya oo xoojinaysa sidii ay uga soo muuqan lahayn goobaha masiiriga ah ayaa la sheegay inay jiraan waxyaabo gaar ah oo ku riixaya, sida inay guul ugu soo dhaweyn karaan dacwada ka taalla maxkamadda caalamiga ah ee la xiriira biyaha ay Kenya sheeganayso ee xeebaha Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]