3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 10, 2019
Wasiir Sadiiq Warfaa: Gaalkacyo oo hagaagta waa Soomaaliya oo hagaagta


Sabti, Augusto, 10, 2019 (HOL)-  Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xildh. Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,halkaa oo ay si wadajir ah ugu soo dhaweeyeen guddoomiyeyaasha gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug, odayaasha dhaqanka ee gobolka, waxgarad, dhallinyaro, haween iyo qaybaha bulshada.

"Ku soo dhawoow Gaalkacyo oo mid ah,Gaalkacyo oo federaalka hooyo u ah oo jacel in dadku isku milmo, hooyooyin, dhallinyaro shacab iyo maamul, waxaan kugu soo dhaweynayn annaga oo mid ah , annaga oo wadajir ah, adiga oo ah xildhibaankeenna ah adiga oo wasiir keenna ah." ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Galmduug , Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal).

Axmed Muuse Nuur, guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa dhankiisa u mahadceliyay dhammaan dadkii ka qaybqaatay soo dhaweynta wasiirka iyo wafdiga uu hoggaaminayay ee saacadaha ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf.

"Wasiir ku soo dhawoow shacabkaagii, waxaan Soomaali inteeda kale ugu faanaynaa inan annaga oo  mid ah oo nin walba meesha uu rabo garoonka diyaaradaha ka soo galay aan wasiirkeenna ku soo dhaweynayno Soomaalinimo iyo reer Mudug nimo , aadbaa lagaaga jaceyl yahay waa gobolka aad Xildhibaanka ka noqotay, haddana wasiirbaa noo keentay, waa wax tar waana u mahadcelinayna Ra'iisul wasaarihii inoo-ka doortay, wuxuuna dareemi doonaa maanta Ramadaan bay aheyd dadku sidii aan rabnay uma soo bixin, balse wuxuu dareemi doonaa, nin rag leh inaad tahay dadkiisuna ku kalsoonyihiin." ayuu yiri guddoomiye Axmed Muuse Nuur.

Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xildh. Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa ugu mahadceliyay si wadajir ah maamulka iyo bulshada gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug, wuxuuna dareen wanagsan ka muujiyay sida wadajirka iyo midnimada leh ee bulshada gobolka Mudug ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Gaalkacyo.

"Gaalkacyo waa xuduntii Soomaaliya, waxaana aad iyo aad uga mahadcelinaya maamulka labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland, iyo bulshada gobolka Mudug ee sida wadajirka ah ee igu soo dhaweeyay, anniga waxaan ahay Xildhibaanka guud ee gobolka Mudug, taasna maanta waxaa tusaale u ah sida aad halkan noogu soo dhaweyseen." ayuu yiri Wasiir Sadiiq Warfaa.

Wasiir Warfaa, ayaa ku boorriyay maamullada Puntland iyo Galmudug iyo bulshada gobolka Mudug inay xoojiyaan midnimada iyo wadajirka ay muujiyeen, wuxuuna caddeeyay wadajirka iyo nabadda gobolka Mudug inay tusaale u tahay sida uu dalka usoo hagaagayo.

"Gobolka inta ay timid Nabad iyo Nolal, wax dhibaato ah kama dhicin, haddana Rabbi makeenno.. Gaalkacyo oo hagaagta waa Soomaaliya oo hagaagtay, taas oggaada.. dowladda Federaalka ee aan idin ku matalo waxaa ka go'an nabadgalyada iyo horumarintan gobolkan Mudug iyo magaalada Gaalkacyo oo muhiim u ah dalka." ayuu ku daray wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Sadiiq Warfaa.
Intaa kaddib wasiirka iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa galinkii dambe u ambabaxay degmada Galdogob ee gobolka Mudug,iyada oo ujeeddada booqashada uu ku soo gaaray wasiirka gobolka Mudug ay la xiriirto sidii uu ula soo Ciiddi lahaa bulshada  deegaannadii laga soo doortay ee uu ku matalo dowladda dhexe, wuxuuna kullamo la qaadan doonaa odayaasha dhaqanka iyo qaybaha bulshada oo dhallinyarada, haweenka iyo aqoonyahanku ugu horreeyaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/10/2019 2:57 PM EST
Sabti, Augusto, 10, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa.

8/10/2019 10:37 AM EST
Sabti, Augusto, 10, 2019 (HOL)-Inta la xaqiijinayo 57 ruux ayaa u dhimatay qarax ka dhashay dab ka kacay Booyad shidaal dalka Tanzania

8/10/2019 8:19 AM EST
Sabti, Augusto, 10, 2019 (HOL)- Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowladda ay Qarramada Midoobey ay taageerto ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay weerarkii 24kii July ka dhacay xarunta gobolka Banaadir waxaa ay u adeegsadeen qof dumar ah oo Aragga'La.

8/10/2019 6:21 AM EST
Sabti, Augusto, 10, 2019 (HOL)-Waxaa lasoo gabagabeeyay diyaargarowgii Ciidda ee magaalada Jigjiga dhanka nabadgalyada oo aad loo adkeeyay sida uu Warbaahinta u sheegay Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska DDS Maxamed Cali Xasan.

8/10/2019 2:22 AM EST
Sabti, Augusto, 10, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka war-hayaan qaar ka mid ah sharkaddihii loogu tala-galay in ay dabaabulaan xujeyda Soomaaliyeed si qaldan adeegyadii lagama maar—maanka u ahaa qofka xaajiga ah.

8/10/2019 2:11 AM EST
Sabti, Augusto, 10, 2019 (HOL)-Xisbiga hoggaamiya tallada dalka Ethiopia ee EPRDF ayaa ku dhowaaqay Jimcihii shalay in doorasho guud ay ka dhici doonto dalka Ethiopia sanadka soo socda.

8/10/2019 1:41 AM EST
Sabti, Augusto, 10, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa amar ku bixiyay in aan wax hub ah lagu dhax qaadan karin magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed.

8/10/2019 1:29 AM EST
Sabti, Augusto, 10, 2019 (HOL)- Soomaalida sanadkan xajineysa ayaa saakay ka soo ambabaxay degaanka Mina iyaga oo ku soo jiheystay degaanka Carrafo, halkaasi oo muslimiinta ku gudanayaan mid ka mid ah Rukniyada ugu muhiimsan xajka.