4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 9 , 2019
ONLF oo ka hadashay dhibaato dhinaca nolasha ah oo ka jirta dhulka Ismaamulka Soomaalida

 

Talaado, April, 09, 2019 (HOL)- Saraakiisha Ururka mucaaradka ah ee ONL F ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay dhibaatooyin ay ku soo arkeen sida ay hadalka u dhigeen dhul ballaaran oo ka tirsan dhulka Ismaamulka Soomaalida.

Dhulka Soomaalida ee Ethiopia ayaa intii ay ka socdeen dagaallada Jabhadaha hubaysan waxaa ay taasi keentey in dib u dhac xooggan uu soo gaaro horumarkii gobolka.

Dhowr iyo labaatan degaan oo ka mid ah gobolka gaar ahaan Ismaamulka Soomaalida ayaa waxaa socdaal ku tagay Ururka ONLF.

fhayeenka Ururka ONLF, Cadaani Hiirmooge ayaa sheegay dhibaatooyinka halkaa ka taagan midna u baahan tahay wax looga qabto gacan dowladdeed, halka sidoo kale loo baahan yahay kaalida dadweynaha si loo hormariyo deegaannadaas.

Waxaa uu sheegay in dadka ay heystaan dhibaatooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah oo muddo dheerba soo jiray laakiin ay u muuqato in hadda uun lagu baraarugay.

Dowladda Itoobiya ayuu ku eedeeyay in aysan waxba ka qaban dhibaatooyin ka taagan dowlad degaanka Soomaalida, islamarkaana hadda loo baahan yahay in loo wada istaago.

ONLF oo muddo dheerba dagaal kula soo jiray dowladda Itoobiya ayaa markii danbe heshiis la garay xukuumadda hadda jirta ee Itoobiya iyaga oo ku qancay in ay hubka dhigaan, laakiin sidoodii u sii wadan karaan halgankii ay ugu jireen xornimo doonka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]