Berbera oo maanta laga dhagax dhigay warshad Patroolka Qaydhin lagu sifeyn doonno
Talaado, April, 09, 2019 (HOL)- Madaxweyne ku
xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa
maanta dhagax dhigay wershad sifayn-doonta baatroolka qaydhin oo dibeda dalka
ka iman doona, taasoo laga hir-gelin doono maagaladda Berbera ee xarunta
gobolka Saaxil.
Ugu horayn Madaxda shirkadda Singapore new Silk
oo ah shirkadda mashruucani maal-gashiganaysa ayaa sheegtay inay awooda saari
doonaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha
Somaliland gaar ahaan wadooyinka iyo korantadda.
Sidoo kalena ay qayb ka qaadan doonaan shaqo
abuurta dhalinyarada, iyagoo sheegay inay saddex boqol (300) oo ka mid ah
dhalinyarada ku jirta shaqo qaran ay ka qaadan doonaan ka shirkad ahaan oo ay
ka hawlgeli doonaan wershadooda.
Wasiiradda wasaaradaha ganacsiga, wershadaha iyo
dalxiiska, Maxamuud Xasan Sacad(Saajin), gaadiidka iyo horumarinta jidadka,
Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo shaqo gelinta, arrimaha Bulshadda iyo qoyska,
Hinda Jaamac Xirsi Gaani oo ka hadlay madashaasi ayaa sheegay in mashruuca
shirkadani ka mid yahay mashaariicda ugu waaweyn ee dalka ka socota.
"waxaan ku hambalyaynayaa shirkadani
maal-gashiga weyn dalka ka samaynaysa, ka xukuumad ahaan waxaanu siinaynaa
kalsooni cid kasta oo dalkani horumarkiisa gacan ka gaysanaysa,waxaan ugu
baaqayaa bulshadda reer Somaliland inay soo dhaweeyaan maal-gashatadda
islamarkaana qofkastaa ixtiraamo qawaaniinta dalka"ayuu yidhi Madaxweyne
ku-xigeenka.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.