4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 9 , 2019
Ciidanka Militeriga Somaliland oo ka hadlay Direys Ciidan oo loo keenay ilaalada gudoomiyaha xisbiga WADDANI

 

Talaado, April, 09, 2019 (HOL)- Afhayeenka Ciidanka Militeriga Somaliland Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan ayaa ka hadlay direys loo keenay ilaaladda gudoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro oo xukuumaddu gacanta ku dhigtay.

Afhayeenka ayaa sheegay in askari kasta uu direyskiisa ku leeyahay ciidanka uu ka tirsan yahay, haseyeeshee direys gaar ah aanay cidi u keeni Karin, isla markaana ay tahay sharci daro cidii keenta direys aanay dalban ciidamada kala duwan ee Somaliland.

“ Askarta ilaalisa madaxda kala duwan ee dalka iyo hay’addaha madax banaan waxay ka tirsan yihiin ciidamada qaranka, askari kastaana  direyska uu xidhan yahay wuxuu ku leeyahay ciidanka uu ka tirsan yahay sida uu sharciga ciidamada Somaliland dhigayo, ka ciidanka Militeriga ka tirsani ciidankiisu ku leeyahay dirayskiisa, ka booliska ka tirsanna booliska ayuu ku leeyahay direyskiisa, ma ogin xisbi direys gaar ah dalbaday oo askar gaar ahi u shaqayso oo iyagu ciidankiisa gaar ugu dalbada “ayuu yidhi Afhayeenka ciidanka Militeriga Somaliland.

Sidoo kale, waxa uu afhayeenku sheegay in cidda kaliya ee dalban karta dirays uu yahay taliyeyaasha ciidamadda kala duwan oo qudha, waxaanu yidhi “Warqad cashuur dhaaf ah oo uu qoray Gaashaanle sare Cali rooble Bulaale oo ka tirsan ciidanka qaranka oo uu soo dhigay warbaahinta afhayeenka xisbiga Wadani uu sheegay in warqadaasi loogu ogolaaday direyskaasi, sida sharcigu dhigayo direys cashuur dhaaf ah waxa u samayn kara taliyaha ciidanka ayaa ka dalbanaya wasaarada Maaliyada in cashuur dhaaf loo sameeyo direyskaasi sida taliyaha ciidanka Militeriga ama taliyaha ciidanka booliska ama taliyaha ciidanka asluubta hadii cid waliba qorto waraaq waxay noqonaysa fawdo.”.

Afhayeenka xisbiga WADANI Barkhad Batuun ayaa sheegay in direyskan ay Saylac ka soo qaateen u ogolaaday sarkaal ka tirsan ciidanka qaranku, haseyeeshee ciidanku waxay beeniyeen arrintaasi oo uu ku tilmaamay mid sharciga ka baxsan oo taliyaha guud mooyee cid kale aanay ogolaan Karin in direys dalka la soo galiyo.

Sidoo kale, Gaadhigii gudoomiyaha xisbiga WADANI Cabdiraxmaan Cirro ee direyska lagu qabtay ayaa maanta dib loogu soo celiyey gudoomiyihii, haseyeeshee waxay wararku sheegayaan in laga reebay direyskii la socday.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.