4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 9 , 2019
Xildhibaanno hore iyo ganacsato ka jawaabay hadal uu dhawaan sheegay ra’iisal wasaare Kheyre

 

Talaado, April, 09, 2019 (HOL)- Xildhibaanno hore siyaasiyiin iyo ganacsato maanta kulan ku yeeshay magaalada muqdisho ayaa sheegay in dowladda soomaaliya ay ku leeyihiin lacago iskugu jira mushaaraad iyo qaar lagu qabtay adeeg kaasi oo illaa iminkadaan lasiinin.

Tan iyo bur burkii dowladda ayaa waxaa jiray isbitaalo si gaar ah loo leeyahay kuwaa oo lagu dabiibi jiray askarta iyo shaqalaha dowladda ee wax-yeeladu ay gaartay hayeeshee anan las iin wax lacag ah dadka adeegyadaasi qabtay.

Lacagahan ayaa lagu lahaa dowladihii hore ee dalka soo maray balse dowladda haatan dalka ka arrimisa ayaa sheegtay in ay bixiyeen kaddib markii ay u fureen xafiis arrintaan u gaar ah islamarkaana aanan jirin iminkadaan lacago lagu leeyahay dowladda. 

Mas'uuliyiinta iyo ganacsatada warbaahinta la hadlay maanta ayaa sheegay in lacag dhan 7 milion oo doollar Mareykanka ah ay ku leeyihiin dowladda Soomaaliya ayaa caddeeyay in wax lacag ah aanan lasiinin iyaga oo wasaaradda maaliyadda ay diiwaan gelisay

Waxaa ay beeniyeen hadalkii ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo sheegay in dowladda aan wax deyn ah lagu laheyn islamarkaana bixiyeen lacag dhan 100 milyan oo dollar oo lagu lahaa dowladdihii iyaga ka horeeyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]