5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 9 , 2019
Xoogagga Al-shabaab oo dab qabadsiiyay gaari dhuxul siday

 

Talaado, April, 09, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha dhexe gaar ahaan degmada Balcad ayaa sheegaya in xoogagga Al-shabaab dab qabadsiiyeen gaari dhuxul u soo siday magaalada Muqdisho.

Dadka ku sugan degmada Balcad ayaa warbaahinta u sheegay in gaarigan uu ka soo anbabaxay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe waxaana wararku sheegayaan in Al-shabaab ku qabteen waddo xiriirisa deegaannada Basra iyo degmada Balcad.

Dhowr jeer oo hore ayeey Al-shabaab sidan oo kale dab qabsiiyeen gaadiid magaalada Muqdisho u sii siday dhuxul, waxaana horaantii bishan sidaa oo kale deegaanno hoostaga gobolka Shabeellaha hoose ku gudbeen gaadiid siday dhuxul oo kuna soo jeeday magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]