4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 9 , 2019
Tahriibeyaal Soomaaliyeed oo taladu ku ciirsan tahay

 

Talaado, April, 09, 2019 (HOL)- Dadka Soomaalida ah ee ku sugan Liibiya ayay talo ku ciirtay ka dib markii noloshii adkayd ee ay la daalaadhacayeen ay ugu darsantay colaadda dalkaas ka soo cusboonaatay.

In kabadan 2,800 oo ruux ayaa isaga qaxay dagaalka ka socda agagaarka magaalada Tripoli, sida ay ku warrantay Qaramada Midoobay.

"Soomaalida xaalkeedu wuu liitaa, daryeel ma haystaan, caafimaad ma haystaan, toddobaadyadii tagayna waxaa naga geeriyooday 20 ruux oo 5 ka mid ah ay dumar yihiin" ayuu yiri Cumar Axmed Cumar oo ka mid ah dadka Soomaalida ah ee ku go'doonsan Liibiya.

"Dadkaas waxay u dhinteen caafimaad darro iyo gaajo." Ayuu intaas ku siidaray, BBC-du si madax bannaan uma xaqiijin karto geerida dadkaas.

Dadka tahriibka u socda ee sii maraya dalka Liibiya iyaga oo quuddarraynaya in ay Yurub tagaan ayaa dhibaatooyin baaxad leh la kulma.

Collaadda ayaa ka soo cusboonaatay dalka Liibiya ka dib markii uu duulaan ku dhawaaqay jeneral Khaliifa Xaftar oo ciidankiisu haatan ka dagaalamayaan Tripoli.

Qaramada Midoobay ayaana cambaaraysay duqaymo loo gaystay goroonkii diyaaradaha ee kali ahaa ee u shaqaynayay caasimadda Tripoli.

Duulimaadyadii ku sii jeeday garoonka caalamiga ah Mitiga ayaa la baajiyay, rakaabkii ku sugnaana waa laga daad gureeyay, balse lama soo sheegin dad wax ku noqday.

Qaramada Midoobay ayaa weerarkaas ku eedaysay ciidammo daacad u ah jeneraal Khaliifa Xaftar.

Waxaa jira Soomaali aan ka war haynno oo nala soo xiriiray, kuwaas oo leh meel baan ku go'doonsannahay, madaafiic bayna garaacayaan ciidammada iska soo horjeeda ee dawladda Liibiya iyo mucaaradka, dhibaato aad u badan ayayna maanta noo sheegeen. Ayuu yiri Cumar oo Liibiya ku sugan ku dhawaad hal sano.

"Caawimaad degdeg ah in nalala soo gaaro ayaan codsanaynaa" ayuu intaas ku sii daray Cumar.

Dublamaasiyiinta Soomaaliya oon la xiriirnay si aan wax uga waydiinno arrintan ayaysan ilaa iyo hadda waxba nooga suurtagalin.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka walaacsan in ay go'aan adeegyada daruuriga u ah shacabka haddii colaadda ay sii socoto.

Xigasho BBC