4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 9 , 2019
Ciidanka Naafadda xoogga dalka oo mar kale dibadbax ka dhigaya xarunta madaxtooyada Soomaaliya

 

Talaado, April, 09, 2019 (HOL)- Mar kale waxaa maanta isugu tagay Ilinka hore ee xarunta madax-tooyada Soomaaliya ciidankii hore ee naafadda xoogga dalka Soomaaliyeed oo todobadkii hore sidan oo kale u dibadbaxay.

Banan-baxayaasha ayaa xirtay wadada, iyagoo diiday in la maro wadada laamiga, waxaana ay ku qeylinayeen in ay u baahan yihiin xuquuqdii dowladda siin jirtay.

Ciidamada naafadda ee dibadbaxa dhigaya ayaa ka mid ah ciidamadii hore ee xoogga dalka Soomaaliyeed eek u naafoobay dagaalkii 1977kii ee dhaxmaray dowladdaha Itoobiya iyo Soomaaliya iyaga oo ku doodaya in aysan wax xuquuq ah helin.

Qaar ka mid ah Naafada ciidankii hore ayaa sheegay in madax-weynaha uu horay uga balan-qaaday in ay si joogto ah u helayaan xuquuqdooda.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa jiray cabasho ka soo yeerayay ciidamada oo ku saabsanaa in aanay wax mushaar ah helin muddo bilo ah, waxaana jiray ciidamo ka soo baxay furimaha dagaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]