4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 9 , 2019
Kulamo Ra’iisal wasaare Kheyre uga bilaabanaya magaalada Washington

 

Talaado, April, 09, 2019 (HOL)- Waxaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka ku sugan wafdi uu horkacayo ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo halkaa uga qeybgali doona shir  ay soo qaban qaabiyeen Bankiga Adduunka iyo IMF.

Shirkan ayaa intiisa badan lagu gorfeyn doonnaa hormarada ka jira gudaha dalka Soomaaliya iyo hannaanka maaliyadeed ee dalka, iyadoo dowladdu rajo badan ka qabto in ugu danbeyntii laga cafiyo Soomaaliya deymaha lagu leeyahay.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu joogo Washington waxaa uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa Madaxda Bankiga Adduunka, IMF iyo mas’uuliyiinta kale ee shirka ka qeyb galaya.

Waxaa sidoo kale jiri doona su’aalo ra’iisal wasaaraha la weydiinayo oo dhamaantood la xiriira caqabadaha hor gudban dowladda uu ra’iisal wasaaraha ka yahay iyo waliba sida ay u wahayaan xal u helida caqabadaas.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa, sida Wasiirka Maaliyadda, Qorsheynta, Guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe iyo La Taliyeyaal ka tirsan xafiiskiisa iyo xafiiska Madaxweynaha.

Shirka uu ra’iisal wasaare Kheyre uga qeybgalo magaalada Washington ayaa imanaya xili dowladdaha ay la daalaa-dhaceyso xalinta mashkalado la xiriira dhinaca Amniga iyo gadood ay sameynayaan ciidamada oo ka cabanaya mishaar la’aan muddo ku dhan Afar bilood. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]