4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 9 , 2019
Inta badan jidadka Muqdisho oo saakay xiran

 

Talaado, April, 09, 2019 (HOL)- Waxaa maanta gabi ahaanba xiran inta badan jidadka muhiimka u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha magaalada Muqdisho, waxaana lagu arkayaa ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka.

Wadada ayaa waxaa ay ka xiran tahay laga soo bilaabo Ex-Afgooye ilaa Isgoyska Taleex ee degmada Hodan, lamana oga ilaa iyo hadda sababta xirnaasha magaalada.

Waxaa la arkayaa dadweynaha tagaya goobahooda shaqo iyo waxbarasho oo lugeynaya kuwaa oo markii horeba dhibaato ku qabay xernashaha isgoysyada Muqdisho.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa mudo sadax bilood ah horay u sheegay in magaalada Muqdisho lagu soo rogay xaalad deg deg ah, taasoo keentay in magaalada degmo degmo look ala xiro, balse xernaashiyaha saakay ee jidadka Muqdisho ayaa ah mid xaalada uga sii dartay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]