4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 9 , 2019
Trump oo argagixiso ku sheegay ciidamada ilaalada Kacaanka dalka Iiraan

 

Talaado, April, 09, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa urur argagixiso oo ajnabi ah ku shaanbadeeyay ciidammada ilaalada kacaanka Iiraan.

Waa markii koobaad ee Maraykanku milatari dal kale ku tilmaamo urur argagixiso.

Iiraan oo arrintaas ka aarsanaysa ayaa ciidammada Maraykanka ee Bariga Dhexe ku sugan ku tilmaantay urur argagixiso, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda Iiraan.

Xiisadda dhextaalla Washington iyo Tehran ayaa sare u sii kacday tan iyo markii Trump uu dawladda Maraykanka ka saaray heshiiskii caalamiga ahaa ee Nukliyeerka ee Iiraan.

Argagixisada uu ku shaambadeeyay ciidammada ilaalada kacaanka Iiraan ayaa Maraykan u saamaxaysa in uu cunaqabatayn hor leh saaro - gaar ahaan marka ay timaaddo dhanka dhaqaalaha, maadaama ciidammadaas ay ku lug leeyihiin dhaqaalaha Iiraan.

Qaar ka mid ah ciidammada ilaalada kacaanka iyo shirkaddo xiriir la leh ayuu hadda kahor Maraykanku dul dhigay cunaqabataynno, iyaga oo lagu eedeeyay in ay argagixisada taageeraan iyo in ay meel uga dhaceen xuquuqda aadanaha.

War uu Trump soo saaray Isniintii ayuu ku sheegay: "Tallaabadan aan caadiga ahayn ee ay hoggaaminayso wasaaradda arrimaha dibadda ayaan ku aqoonsannay, xaqiiqada ah in Iiraan aysan kali ah ahayn dal argagixisada taageera, balse ciidammada ilaalada kacaanka ayaa si joogto ah uga qayb qaata, maalgalinta, isla markaasna dhiirigaliya hawlaha argagixisada."

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in arrintan uu uga golleeyahay in uu sare ugu sii qaado oo ku ballaariyo caddaadiska la saarayo dalka Iiraan.

"Haddii aad ganacsi la samayso ciidammada ilaalada kacaanka Iiraan, argagixisada ayaad maalgalisaa," ayuu yiri Trump.

Tallaabadan ayaa dhaqangali doonta toddobaad ka dib, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo iyo lataliyaha ammaanka qaranka John Bolton ayaa hor boodayay go'aankan, balse masuuliyiinta Maraykanka oo dhan ma taageersana.

Pompeo ayaa saxafiyiinta u sheegay in Maraykanku uu wadi doono cunaqabataynta iyo cadaadiska uu Iiraan ku hayo "tan iyo inta ay uga dhaqmayso sidii dal caadi ah"

"Hoggaaminta Iiraan kacaan kuma iman, dadkuna sida ay hadda yihiin si dhaanta ayay u qalmaan." ayuu yiri Pompeo.

Twitter uu mar dambe soo qorayna wuxuu ku sheegay "in ay waajib tahay in la caawiyo sidii dadka Iiraan ay xorriyadooda dib ugu heli lahaayeen."

Saraakiil ka tirsan milatariga Maraykanka ayaa sheegay in tallaabadan ay horseedi karto weerarro lagu qaado ciidammada Maraykanka ee Bariga dhexe iyadoo dhibaato saas ah aysan yeelayn ciidammada Iiraan.

Xigasho BBC