4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 9 , 2019
Dhageysiga qeybtii koowaad dacwada ka dhanka ah Maxamed Nur oo ka bilaabaneysa Minneapolis

 

Talaado, April, 09, 2019 (HOL)- Waxaa lagu wadaa in maanta maagalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ka bilaabato qeybta koowaad dacwad ka dhan ah Maxamed Nuur oo ah Soomaali ka tirsanaa ciidamada Booliska Magalada Minneapolis kaas oo lagu eedeeyey dilka Haweeney Australian ah.

Dacwadaan ayaa bilaabmeysa kaddib markii la soo geba-gabeeyey xeer beegtida qaadeysa dacwad iyo eeda loo heysta Maxamed Nuur oo tira dhowr jeer ay Maxkamadeyntiisa ay dib u dhacday.

Waxaa uu ku eedeysan yahay in uu dilay Haweeney Cadaan ah 15-kii July sanadkii hore 2017 da.

Haweeneydan lagu eedeeyay in uu dilay oo lagu magacaabo Justine Damond, ayaa ka timid Magaalada Sdney ee dalka Australia,waxaana Maxkamadeynta Maxamed Nuur ay dib u dhacday tira ka dhowr jeer.

Dhawaan ayaa la filayaa in las oo geba-gabeeyo Maxkamadeynta Maxamed Nuur oo ka tirsan Saraakiisha Soomaalida ah ee ka mid ah booliska Magalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka,waxaana xeer beegtida loo soo xulay ay gaarayaan ilaa 12 Ruux.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]